27.1 C
Mogadishu
Wednesday, July 22, 2026

Sidee loo soo afjaray xiisaddii ka taagneyd inta u dhexeysa Marka iyo Janaale?

Bookmark
Bookmarked

Share

Marka (Caasimada Online) – Cutubyo ka tirsan guutada 14-ka Oktoobar ee ciidanka dhulka xoogga dalka ayaa ku guuleystay inay soo afjaraan xiisad saacadihii la soo dhaafay ka taagneyd dhul beereed u dhexeeya magaalada Marka iyo deegaanka Janaale ee gobolka Shabeellaha Hoose, taas oo laga cabsi qabay inay isu beddesho iska horimaad hubeysan.

Sida ay sheegeen saraakiisha ciidamada, cutubyada ka tirsan Ururrada 141-aad, 144-aad iyo 145-aad ayaa si degdeg ah loogu diray goobta markii ay soo baxeen wararka ku saabsan xiisadda.

Ciidamada ayaa kala dhex-galay dhinacyadii u dhexeeyay muranka, iyagoo ku guuleystay inay dejiyaan xaaladda, isla markaana ka hortagaan inuu dagaal ka qarxo deegaanka.

Taliyaha guutada 14-ka Oktoobar, Gaashaanle Cismaan Muuse Maxamed ayaa sheegay in howl-galka uu u dhacay sidii loo qorsheeyay, isla markaana ciidamada ay si nabad ah ku soo afjareen khilaafkii ka taagnaa deegaanka. Wuxuu xusay in dadaallada ciidamadu ay suurta-geliyeen in xaaladdu dib ugu soo laabato deganaansho.

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada ay dib u fureen kanaal biyood u xirmay sababo la xiriiray xiisadda, si biyuhu mar kale u gaaraan dhulkii beeraha, taas oo uu tilmaamay inay muhiim u tahay sii socoshada wax-soo-saarka beeraha iyo nolosha dadka deegaanka oo ku tiirsan waraabka.

Gaashaanle Cismaan Muuse ayaa carrabka ku adkeeyay inaan la aqbali doonin dhiig ku daata khilaafyo aan waxba tarayn, isagoo ugu baaqay bulshada deegaanka inay ku xalliyaan wixii tabashooyin ah wada-hadal iyo is-afgarad, halkii ay u adeegsan lahaayeen xoog.

Wuxuu sidoo kale sheegay in sugidda xasilloonida deegaannada ay muhiim u tahay sii wadidda howlaha amniga iyo dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab, isagoo xusay in kooxdu marar badan isku daydo inay ka faa’iideysato khilaafaadka bulshada si ay u carqaladeyso amniga.

Ugu dambeyntiina, taliyaha ayaa xaqiijiyay inay sii wadi doonaan how-lgallada lagu ilaalinayo amniga, laguna xallinayo khilaafaadka ka dhasha deegaannada ay ka howl-galaan, si loo xaqiijiyo nabadda, isu socodka bulshada iyo horumarka gobolka Shabeellaha Hoose.

- Advertisement -

Read more

Local News