27.1 C
Mogadishu
Wednesday, July 22, 2026

Muxuu yahay ninka ay Puntland ku wareejisay DDS?

Bookmark
Bookmarked

Share

Galdogob (Caasimada Online) – Ciidanka Booliska Puntland ayaa maanta laamaha amniga ee Dowlad Deegaanka Soomaalida (DDS) ku wareejiyay Xiddig Siciid Sheekh Xirsi oo ku eedeysan dilka Marxuum Cabdi Maxamuud Wayrax, kaas oo dhacay 8-dii Oktoobar 2018.

Wareejinta ayaa la sheegay inay qayb ka tahay iskaashiga amni ee u dhexeeya labada dhinac ee la-dagaallanka dambiyada ka gudba xuduudaha.

Munaasabadda wareejinta oo ka dhacday degmada Galdogob ee gobolka Mudug ayaa waxaa hoggaaminayay Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Mudug, Gaashaanle Sare Maxamuud Muuse Bille (Fardafuul). Dhinaca Dowlad Deegaanka Soomaalida waxaa eedeysanaha kala wareegay Taliyaha Komaandhiska booliska gobolka Doolo, Gaashaanle Dhexe Cabdullaahi Ibraahim Maxamuud.

Kadib wareejinta eedeysanaha, labada taliye ayaa si wadajir ah u qabtay shir jaraa’id oo ay kaga hadleen muhiimadda ay leedahay iskaashiga amniga ee labada dhinac. Waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Ku-simaha Taliyaha Saldhigga Booliska degmada Galdogob, Xiddigle Cabdiraxmaan Yaasiin Xasan (Qoodaar) iyo saraakiil kale oo ka tirsan ciidamada.

Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in wareejinta eedeysanaha ay muujineyso wada-shaqeynta sii xoogeysaneysa ee u dhexeysa ciidanka booliska Puntland iyo laamaha amniga ee dowlad deegaanka Soomaalida. Waxay tilmaameen in iskaashiga noocan ahi uu muhiim u yahay xaqiijinta caddaaladda iyo in eedeysanayaashu aysan ka baxsan sharciga iyagoo u gudbaya dhinaca kale ee xadka.

Sidoo kale waxay carrabka ku adkeeyeen muhiimadda ay leedahay is-weydaarsiga xogaha amniga, dabagalka dadka lagu tuhunsan yahay dambiyada iyo isu-gudbinta eedeysanayaasha ka baxsada labada dhinac. Sida ay sheegeen, tallaabooyinkaasi waxay door weyn ka qaadanayaan xoojinta amniga iyo la-dagaallanka dambiyada abaabulan.

Saraakiisha ayaa xusay in iskaashiga joogtada ah ee hay’adaha amniga uu sare u qaadayo kalsoonida shacabka, isla markaana uu fududeynayo in si degdeg ah looga jawaabo falalka amni-darrada ah iyo dambiyada ka gudba xuduudaha Soomaaliya iyo dowlad deegaanka Soomaalida.

Wareejintan ayaa ku soo aadeysa xilli ay Puntland iyo dowlad deegaanka Soomaalida sii xoojinayaan iskaashiga dhinacyada amniga iyo la-dagaallanka dambiyada, iyadoo labada dhinac ay ku cel-celiyeen inay sii wadi doonaan wada-shaqeynta lagu xaqiijinayo caddaaladda, xasilloonida iyo nabadgelyada shacabka ku nool deegaannada xuduudda.

- Advertisement -

Read more

Local News