25.3 C
Mogadishu
Wednesday, July 22, 2026

DF Soomaaliya oo shaacisay tirada ciidamada kasoo goostay Lafta-gareen

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faah-faahin ka bixisay tirada ciidamada maanta kasoo goostay Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Lafta-gareen oo maalmahan dhaq-dhaqaaqyo ka waday duleedka magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay.

Wasaaradda Gaashaandhigga oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa shaacisay inay isa soo dhiibeen illaa 150 akari oo ay maleeshiyaad ku sheegtay, kuwaas oo lagu soo dhaweeyay caasimada KMG ah ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Sida ay sheegtay Wasaaradda, ciidamadan oo watay hub iyo gaadiid dagaal ayaa agabkooda ku wareejiyay Ciidamada Xoogga Dalka ee ku sugan magaalada Baydhaba.

“Guddoomiyihii hore ee deegaanka Awdiinle ee Gobolka Baay, Ibraahim Kalaay, oo ay la socdaan qiyaastii 150 maleeshiyaad ah, ayaa waqtiyo kala duwan oo maanta ah isku soo dhiibay Ciidamada Qaranka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ka hawlgala Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, kaddib markii ay si cad uga soo goosteen maleeshiyaadkii uu marin-habaabiyay Cabdicasiis Laftagareen, kuwaas oo maalmihii u dambeeyay falal amni-darro ah ka geysanayay deegaannadaas” ayaa lagu yiri qoraalka Wasaaradda Gaashaandhigga.

Sidoo kale waxaa lasii raaciyay “Ibraahim Kalaay iyo maleeshiyaadkii la socday ayaa Ciidamada Qaranka ku wareejiyay hub kala duwan iyo gaadiid dagaal oo ay wateen, kaddib markii ay ka tanaasuleen dhaq-dhaqaaqyadii hubeysnaa, isla markaana iska diiday inay sii dhibaateeyaan dadkooda”.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in haatan ay socdaan wada-hadallo lagu soo celiyay ciidamada kale ee weli ku sugan bannaanka magaalada, si ay dib ugu soo laabtaan bulshadooda, una dhigaan hubka.

Waxaa kale oo ay Wasaaradda Gaashaandhigga sheegtay in ay dhowaynayso isla markaana bogaadinaysaa tallaabada ay qaadeen dhallinyaradaas hubaysnaa, taas oo muujinaysa inay garteen in aanu wax dan ah ugu jirin sii wadidda dagaallo aan natiijo lahayn oo u adeegaya danaha shakhsiyaad siyaasiyiin ah iyo dano shisheeye.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya ma oggolaan doonto in hub sharci-darro ah loo adeegsado dano gaar ah, laguna dhibaateeyo shacabka ama lagu carqaladeeyo nabadda, horumarka iyo xasilloonida dalka,” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka.

Ugu dambeyn Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa sheegtay in Hay’adaha ammaanku ay sii wadi doonaan dadaallada lagu xaqiijinayo nabadda iyo xasilloonida, iyagoo ugu baaqay cid kasta oo weli ku jirta kooxahaas hubeysan inay ka faa’iidaysato fursadda dib ugu soo laabashada bulshada iyo dowladnimada, maadaama aanay jirin sabab ay silic ugu sii noolaadaan duurka.

Tallaabadan ayaa dhabar-jab ku ah kooxda Cabdicasiis Lafta-gareen ee horay looga saaray magaalada Baydhaba, kadib isbeddalkii ka dhacay magaaladaas oo uu kusoo baxay hoggaamiyaha Koonfur Galbeed Sheekh Aadan Madoobe.

- Advertisement -

Read more

Local News