Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya, Mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh) oo qoraal soo saaray ayaa beeniyay warara sheegay inuu is casilayo, kadib markii si weyn loogu faafiyay baraha bulshada.
Wasiirka ayaa shaaca ka qaaday inay waxba kama jiraan yihiin wararka la faafiyay ee lagu sheegay inuu iska casilayo xilka Wasiirka Arrimaha Gudaha, wuxuuna tilmaamay inuu ku guda jiro gudashada waajibaadka loo igmaday.
“Wararka lagu faafiyey baraha bulshada ee sheegaya in aan masuuliyada aan qaranka u hayo iska casilayo waa been abuur, sal iyo raad toona ma leh. Waxaan ku gudo jiraa gudashada waajibaadkeyga qaran, kuwaasi oo aan ugu adeegayo shacabka Soomaaliyeed,” ayuu yiri Wasiirku.
Cali Xoosh ayaa tilmaamay in wararka been abuurka ah ay ka faafiyeen shaqsiyaad leh dano gaar ah oo isku ekeysiiyay Wariyeyaal, sida uu hadalka u dhigay.
Sidoo kale, wuxuu ka digay wararka been abuurka ah ee lagu jahwareerinayo bulshada Soomaaliyeed, si loo marin habaabiyo shacabka.
“Been abuurkaas waxaana sameeyey shaqsiyaad isu ekaysiinaya wariyayaal, oo ku shaqeysta wararka been abuurka iyo marin habaabinta bulshada. Waa yadaan danbe, xogaha khaldan (misinformation) iyo xogaha been abuurka ah (disinformation) waa khataraha waaweyn ee lagu jahwareeriyo bulshooyinka,” ayuu mar kale yiri Cali Xoosh.
Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay xogaha ay kala socdaan ilaha rasmiga ah ee hay’adaha Dowladda Federaalka, si looga hortago been abuurka.
“Sidaas darteed, waxaa muhiim ah in markasta la yeesho dhaqanka ah hubinta xogta. Shacabkana waxaan ka codsanayaa in ay xogta rasmiga ah ka qaataan wararka kasoo baxa akoonadayda rasmiga ah iyo hay’adaha rasmiga ah ee Dowladda Federaalka,” ayuu Wasiirku kusoo gabagabeeyay qoraalkiisa.

