24.9 C
Mogadishu
Friday, July 24, 2026

Aqalka Wakiillada Mareykanka oo ansixiyay qaraar lagu joojinayo dagaalka Iran, halka Senate-ka uu…

Bookmark
Bookmarked

Share

Washington (Caasimada Online) – Aqalka Wakiillada Mareykanka ayaa ansixiyay qaraar ay hormuud ka yihiin xildhibaanada Dimuqraadiga, kaas oo ugu baaqaya madaxweyne Donald Trump inuu ciidamada Mareykanka kala baxo dagaalka ka dhanka ah Iran.

Qaraarkan ayaa ah mid aan sharci ahaan khasab ku ahayn Aqalka Cad, waxaana lagu meel-mariyay cod dhan 214-208. Dhammaan xildhibaanada Dimuqraadiga ayaa taageeray, waxaana ku biiray afar xildhibaan oo ka tirsan Xisbiga Jamhuuriga, kuwaas oo kala ah Thomas Massie (Kentucky), Tom Barrett (Michigan), Warren Davidson (Ohio) iyo Brian Fitzpatrick (Pennsylvania).

Dhinaca kale, Golaha Senate-ka ayaa isla maanta ku diiday cod dhan 47-49 qaraar sharci ahaan waajib noqon lahaa haddii la ansixin lahaa, kaas oo lagu soo afjari lahaa dagaalka Iran. Qaraarkaasi wuxuu mari lahaa hab sharciyeed, balse wuxuu weli u baahnaan lahaa saxiixa madaxweynaha ama inuu ka gudbo diidmada madaxweynaha (veto).

Senator Susan Collins oo ka tirsan Jamhuuriga ayaa noqotay xubinta keliya ee xisbigeeda ka tirsan ee taageertay qaraarka Senate-ka, iyadoo ay la safatay dhammaan Dimuqraadiga marka laga reebo Senator John Fetterman oo ka tirsan Pennsylvania. Afar senator oo Jamhuuri ah ayaan ka qeyb-gelin codbixinta.

Dimuqraadiga ayaa dadaalkan ku riixayay si ay Jamhuuriga uga helaan mowqif cad oo ku saabsan dagaal ay sheegeen inuu yahay mid aan shacabka Mareykanka badankoodu taageersanayn, iyagoo sidoo kale doonaya inay dib u xoojiyaan doorka dastuuriga ah ee Kongareeska ee ku aaddan ku dhawaaqista dagaallada.

Senatorro badan oo Jamhuuri ah ayaa hore u sheegay in dagaalku uusan sii socon karin wax ka badan 60 maalmood iyada oo aan Kongareesku oggolaan, si loo waafajiyo sharciga federaalka. Si kastaba, Senator Thom Tillis iyo Senator John Curtis ayaa Khamiistii ka codeeyay diidmada qaraarka lagu soo afjarayay dagaalka.

Markii la weydiiyay sababta uu uga horyimid qaraarka, Senator Tillis wuxuu sheegay in muddada 60-ka maalmood ay bilaabatay bishan, halkii ay ka bilaaban lahayd bishii Febraayo markii Mareykanka iyo Israa’iil ay weerarradii ugu horreeyay ku qaadeen Iran. Wuxuu xusay in Kongareesku uu waajib ku yahay inuu si rasmi ah u oggolaado dagaalka marka ay dhammaato muddadaas.

“Saacaddu way socotaa, waana inaan arrintan si dhab ah u wajahnaa,” ayuu yiri Tillis. “Si siyaasadeed, waxaan u maleynayaa inaan madaxweynaha ka caawin karno dagaalkan ay shacabka jeclayn haddii Kongareesku sharciyad siiyo.”

Aqalka Wakiillada gudaheeda, hoggaamiyeyaasha Jamhuuriga ayaa sidoo kale muujiyay inay diyaar u yihiin inay Trump siiyaan waqti dheeraad ah ka hor inta aan la gaarin xadka 60-ka maalmood.

Si kastaba, afarta xubnood ee Jamhuuriga ah ee la safatay Dimuqraadiga ayaa muujisay in xitaa xisbiga talada haya gudihiisa uu ka jiro walaac ku saabsan sii socoshada dagaalka.

Xildhibaan Gregory Meeks oo ah xubinta ugu sarreysa Dimuqraadiga ee Guddiga Arrimaha Dibadda ee Aqalka Wakiillada ayaa sheegay in codbixintan ay caddeyn u tahay in Kongareesku bilaabay inuu la jaanqaado aragtida shacabka Mareykanka, isagoo xusay in ku dhowaad 70% dadka Mareykanka ay kasoo horjeedaan dagaalka Iran.

Meeks ayaa intaas ku daray in Dimuqraadigu ay haystaan siyaabo kale oo ay cadaadis ugu saari karaan maamulka Trump, oo ay ku jirto awoodda Kongareeska ee ansixinta miisaaniyadda dowladda ka hor 30-ka Sebtembar.

Wuxuu sidoo kale shaaciyay inuu soo gudbin doono qaraar lagu dacweynayo maamulka Trump, isagoo ku eedeeyay inuu iska indha tiray doorka Kongareeska ee ku aaddan dagaalka Iran.

Dhanka kale, xildhibaan Rob Bresnahan oo ka tirsan Jamhuuriga kana soo jeeda Pennsylvania, isla markaana matala deegaan doorashadiisu aad u loollan badan tahay ayaa ka codeeyay diidmada qaraarka. Inkastoo uu qiray in dagaalku saameyn dhaqaale leeyahay, wuxuu ku adkeystay in Iran aan loo oggolaan karin inay yeelato hub nukliyeer ah.

- Advertisement -

Read more

Local News