26.2 C
Mogadishu
Friday, July 24, 2026

Machad Mareykan ah oo ka digay saldhigyo militari oo laga sameeyo Somaliland

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Washington (Caasimada Online) — Dhismaha saldhigyo militari oo Mareykanku ka sameysto Somaliland wax weyn kama tari doono amniga gobolka, balse wuxuu kordhin karaa khatarta ah in Washington ay si qoto dheer ugu lug yeelato colaadaha ka jira Geeska Afrika, waxaa sidaas ka digtay warbixin cusub oo uu soo saaray machadka Defense Priorities ee fadhigiisu yahay Washington.

Machadka ayaa sheegay in Mareykanku horey u haysto kaabeyaasha militari ee uu uga baahan yahay gobolka, gaar ahaan saldhigga weyn ee Camp Lemonnier ee dalka Jabuuti, isla markaana aysan jirin baahi istaraatiiji ah oo loo qabo saldhigyo cusub oo cirka ama badda ah oo laga sameeyo Somaliland.

Warbixinta, oo la daabacay 14-kii July, ayaa lagu sheegay in saldhigyada cusub aysan muhiim u ahayn la-dagaallanka kooxaha hubeysan ee Soomaaliya, ilaalinta maraakiibta ganacsiga ee Badda Cas ama loollanka Mareykanka iyo Shiinaha ee qaaradda Afrika.

“Saldhigyo cusub uma qalmaan kharashaadka dheeraadka ah, istaraatiiji ahaanna looma baahna,” ayaa lagu yiri warbixinta.

Warbixinta oo cinwaan looga dhigay Exiting Somalia’s War: End US Military Operations, waxaa qoray William Walldorf, oo ah cilmi-baare sare oo ka tirsan Defense Priorities.

Digniintan ayaa kusoo beegmeysa xilli ay sii kordheyso xiisaha caalamiga ah ee loo qabo goobta istaraatiijiga ah ee Somaliland, oo ku taalla xeebta Gacanka Cadmeed, kasoo horjeedda Yemen, una dhow marin-biyoodka Bab el-Mandeb oo ka mid ah marinada ugu muhiimsan ganacsiga caalamka.

Somaliland ayaa Mareykanka u soo bandhigtay inuu isticmaalo saldhigyo militari iyo kheyraad macdan ah, taas oo qeyb ka ah dadaalkeeda ku aaddan inay hesho aqoonsi caalami ah.

“Waxaan diyaar u nahay inaan Mareykanka siinno saldhigyo militari,” ayuu wasiirka madaxtooyada Somaliland Khadar Xuseen Cabdi u sheegay wakaaladda wararka AFP bishii February.

Hase yeeshee, dowladda Mareykanka ilaa hadda si rasmi ah uma shaacin heshiis ku saabsan saldhig militari oo laga sameynayo Somaliland.

Saldhigga Jabuuti

Defense Priorities ayaa ku doodday in saldhigga Camp Lemonnier ee Jabuuti uu Mareykanka siinayo awood ku filan oo uu uga fuliyo howlgallo Bariga Afrika, Badda Cas iyo Jasiiradda Carabta.

Saldhiggaas ayaa hoy u ah taliska ciidamada wadajirka ah ee Mareykanka ee Geeska Afrika, wuxuuna taageeraa howlgallada militari ee Mareykanka iyo xulafadiisa ee gobolka.

“Marka la eego danaha istaraatiijiga ah ee kooban ee Mareykanku ku leeyahay Afrika, Mareykanku wuxuu dhammaan waxa uu u baahan yahay ka helayaa saldhigga dhow ee Jabuuti,” ayaa lagu yiri warbixinta.

Machadka ayaa ka digay in saldhigyo cusub oo laga dhiso Somaliland ay ciidamada iyo kaabeyaasha Mareykanka u nugleyn karaan weerarro uga yimaada kooxaha hubeysan ama gantaallo laga soo rido Yemen.

Warbixinta ayaa sidoo kale sheegtay in maalgelin ballaaran oo lagu sameeyo saldhigyo cusub ay Washington ku riixi karto inay sii ballaariso howlgalladeeda militari, si ay u difaacdo xarumahaas ama ay u muujiso in siyaasaddaasi guuleysaneyso.

Haddii duqeymo laga fuliyo Somaliland ay ku guuldareystaan inay wiiqaan dagaalyahannada Daacish ee Puntland, mas’uuliyiinta Mareykanka ayaa wajihi kara cadaadis lagu saarayo inay ciidamo dhulka ah geeyaan gobolka, sida warbixintu sheegtay.

Arrintaas ayaa abuuri karta xaalad uu Mareykanku sii xoojiyo faragelintiisa sababo la xiriira dhaqaale iyo awood uu horey u geliyay, halkii uu ka joojin lahaa siyaasad fashilantay.

Khatarta Xuutiyiinta

Warbixinta ayaa sidoo kale ka hortimid doodda ah in saldhigyo laga sameeyo Somaliland ay Mareykanka ka caawin karaan la-dagaallanka kooxda Xuutiyiinta Yemen iyo ilaalinta maraakiibta ganacsiga ee Badda Cas.

Defense Priorities ayaa sheegtay in Mareykanku horey howlgallo militari oo ballaaran uga fuliyay Yemen, isaga oo aan wax saldhig ah ku lahayn Somaliland.

Machadku wuxuu ku dooday in dhibaatada ugu weyn aysan ahayn saldhigyo yari, balse ay tahay awoodda xaddidan ee duqeymaha cirka ay u leeyihiin inay gebi ahaanba burburiyaan kooxaha hubeysan.

Si kastaba, xiisadaha cusub ee gobolka ayaa sii adkeeyay qiimeynta warbixinta ee ah in khatarta Xuutiyiinta ee maraakiibta ganacsiga ay yaraatay.

Xuutiyiinta ayaa ku dhawaaqay waxa ay ugu yeereen xayiraad dhinaca badda ah oo ka dhan ah Sacuudi Carabiya, iyaga oo ku hanjabay maraakiibta maraysa Bab el-Mandeb, xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka Mareykanka iyo Iran.

Sacuudi Carabiya ayaa qaaday tallaabooyin lagu ilaalinayo maraakiibteeda, halka cabsida weerarro cusub ay sare u qaaday qiimaha caymiska maraakiibta.

Haddii uu hakad weyn ku yimaado ama la xiro marin-biyoodka Bab el-Mandeb, waxaa saameyn ku yeelan kara dhoofinta shidaalka Sacuudiga iyo guud ahaan ganacsiga caalamka.

Hay’adda maamulka badaha ee Mareykanka ayaa sidoo kale sii heysa digniin ku socota maraakiibta maraysa Badda Cas, Bab el-Mandeb, Gacanka Cadmeed iyo biyaha Soomaaliya.

Inkasta oo Xuutiyiintu aysan weerar ku qaadin maraakiib ganacsi tan iyo xabbad-joojintii Gaza ee October 2025, digniinta ayaa sheegtay inay weli khatar ku yihiin maraakiibta xiriirka la leh Mareykanka, Britain ama Israel.

Defense Priorities ayaa hase yeeshee ku adkeysatay in saldhigyo joogto ah oo laga sameeyo Somaliland aysan wax ka qaban doonin sababaha asaasiga ah ee colaadaha gobolka, balse ay noqon karaan bartilmaameedyo muuqda marka ay qarxaan iska horimaadyo cusub.

Loollanka Shiinaha

Machadka ayaa sidoo kale diiday doodda ah in joogitaanka militari ee Mareykanka ee Somaliland uu ka caawin karo Washington inay xakameyso saameynta Shiinaha ee Afrika.

Shiinaha ayaa si weyn u ballaariyay ganacsigiisa, maalgashigiisa iyo mashaariicda kaabeyaasha dhaqaale ee Bariga Afrika, wuxuuna saldhiggiisa militari ee keliya ee dibadda ku leeyahay ku leeyahay Jabuuti, meel aan sidaas uga fogeyn Camp Lemonnier.

Defense Priorities ayaa sheegtay in in ka badan labaatan sano oo Mareykanku ballaarinayay joogitaankiisa militari ee Afrika aysan hakad gelin kobaca ganacsiga iyo maalgashiga Shiinaha.

“Ma jirto sabab loo filan karo in saldhigyo cusub oo Mareykanku ka sameysto Somaliland ay si ka wanaagsan uga hortagi karaan saameynta dhaqaale ee Shiinaha,” ayaa lagu yiri warbixinta.

Machadka ayaa ka digay in Beijing ay saldhigyada cusub ee Mareykanka u arki karto khatar ku wajahan maalgashigeeda gobolka, taas oo ku riixi karta inay iyaduna saldhigyo militari oo dheeraad ah ka sameysato Afrika.

Tallaabadaas ayaa horseedi karta natiijada lidka ku ah waxa saldhigyada Mareykanka loogu talagalay, oo ah in joogitaanka militari ee Shiinaha ee Afrika uu sii ballaarto.

Warbixinta ayaa ugu baaqday Washington inay ka fogaato ballaarin militari oo ay ku sameyso Somaliland, isla markaana ay yareyso doorkeeda tooska ah ee dagaalka Soomaaliya.

Waxay soo jeedisay in duqeymaha Mareykanka lagu koobo howlgallo dhif ah oo lagu bartilmaameedsanayo madaxda sare ee kooxaha hubeysan ee leh shabakado caalami ah, si tartiib ahna ciidamada Mareykanka looga saaro Soomaaliya.

Machadku wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya, howlgalka Midowga Afrika iyo dowladaha gobolka ay tahay inay qaataan mas’uuliyadda ugu weyn ee amniga Soomaaliya.

Oggolaanshaha saldhigyo laga sameeyo Somaliland, ayay warbixintu ka digtay, wuxuu howlgal kooban oo la-dagaallanka argagixisada ah u beddeli karaa faragelin militari oo Mareykan ah oo ballaaran, qaali ah, muddo dheerna ka sii jirta Geeska Afrika.

- Advertisement -

Read more

Local News