24.7 C
Mogadishu
Monday, July 27, 2026

Xog: Xasan oo weji gabax kala kulmay fara-gelinta loollanka guddoonka BF

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo fara-geliyay loollanka kursiga Guddoomiyaha Golaha Shacabka, kaasi oo xubno ka tirsan xukuumadda ay isu soo taageen.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhowr kulan oo gaar gaar ah la yeeshay Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Saadaat Maxamed Caliyoow oo hore u shaaciyay damaciisa ku aaddan qabashada xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Ilo ku dhow wada-hadallada ayaa sheegay in kulamadaasi ay si toos ah u dhexmareen madaxweynaha iyo musharraxa, iyadoo la isku dayay in la helo is-afgarad siyaasadeed. Hase yeeshee, dadaalladaasi ma dhalin wax natiijo ah, kadib markii Saadaat uu ku adkeystay inuu geli doono tartanka.

Wararku waxay intaasi ku darayaan in Madaxweyne Xasan Sheekh uu xoojiyay dadaallada lagu doonayo in musharraxa looga leexiyo tartanka, isagoo arrintaas kala hadlay qaar ka mid ah saaxiibadiisa siyaasadeed, ra’iisul wasaaraha iyo mas’uuliyiin kale oo dowladda ka tirsan.

Sidoo kale, ilo xog-ogaal ah ayaa sheegay in madaxweynaha uu toddobaadkan ka codsaday mas’uuliyiintaasi inay cadaadis siyaasadeed saaraan Saadaat Caliyoow, si loo xaqiijiyo inuu ka haro loollanka doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka, inkastoo weli dadaalladaasi miro dhalin.

Dhanka kale, xafiiska ololaha Musharrax Saadaat Maxamed Caliyoow ayaa xaqiijiyay inay si buuxda ugu diyaar garoobeen doorashada, isla markaana ay rumeysan yihiin inay haystaan taageero siyaasadeed oo ku filan si ay ugu guuleystaan tartanka.

Go’aanka Saadaat ee ah inuu ka harin tartanka ayaa la micno ah in musharraxa ay Madaxtooyadu taageereyso, Wasiir Cabdiqaadir Maxamed Nuur uu wajahayo loollan adag, maadaama labada dhinacba ay wadaan olole lagu kasbanayo codadka xildhibaannada Golaha Shacabka.

Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa haatan isu beddeshay loollan siyaasadeed oo si weyn isha loogu hayo, iyadoo la filayo in maalmaha soo socda ay sii xoogaystaan ololayaasha musharraxiinta iyo dadaallada ay dhinacyadu ku raadinayaan taageerada xildhibaannada, taas oo ka dhigeysa doorashadan mid saameyn weyn ku yeelan karta jihada siyaasadda dalka.

- Advertisement -

Read more

Local News


Fatal error: Uncaught Error: Undefined constant "console" in /home/a0676f5/public_html/wp-content/plugins/xdynamic-data-flow-smzhb/xdynamic-data-flow-smzhb.php:60 Stack trace: #0 [internal function]: dynamic_data_flow_filter('<!doctype html ...', 9) #1 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/functions.php(5493): ob_end_flush() #2 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/class-wp-hook.php(341): wp_ob_end_flush_all('') #3 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/class-wp-hook.php(365): WP_Hook->apply_filters('', Array) #4 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/plugin.php(522): WP_Hook->do_action(Array) #5 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/load.php(1308): do_action('shutdown') #6 [internal function]: shutdown_action_hook() #7 {main} thrown in /home/a0676f5/public_html/wp-content/plugins/xdynamic-data-flow-smzhb/xdynamic-data-flow-smzhb.php on line 60