24.7 C
Mogadishu
Monday, July 27, 2026

Guutooyinka milatariga ee ku sugan magaalada Muqdisho oo…

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa sameeyay dib-u-habeyn ku saabsan magacaabista laba ka mid ah guutooyinka booliska milatariga, kuwaas oo door muhiim ah ka qaata sugidda amniga caasimadda Muqdisho.

Dib-u-habeyntan ayaa lagu beddelay magacyadii hore ee Guutooyinka 22-aad iyo 23-aad, kuwaas oo hadda loo bixiyay Guutooyinka 73-aad iyo 74-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka. Isbeddelkan ayaa yimid kaddib markii lambarradii 22-aad iyo 23-aad loo qoondeeyay cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska Gorgor.

Tallaabadan ayaa waxaa looga gol leeyahay in la mideeyo nidaamka magacaabista guutooyinka kala duwan ee ciidanka xoogga dalka, isla markaana meesha looga saaro isku ekaanshaha lambarrada ay adeegsanayeen cutubyo kala duwan, sida ay sheegeen ilo xog-ogaal ah.

Wararka ayaa intaas ku daraya in Ciidanka Gorgor ay horey u lahaayeen nidaam gaar ah oo lambarrada guutooyinka ah, kuwaas oo isugu xigay Guutooyinka 17-aad, 18-aad, 19-aad, 20-aad, 21-aad iyo 22-aad. Taasi ayaa dhalisay baahida loo qabo in dib loo habeeyo lambarrada guutooyinka booliska milatariga si loo helo kala-duwanaansho iyo nidaam mideysan.

Guutooyinka booliska milatariga ayaa ka mid ah cutubyada ugu muhiimsan ee ciidanka xoogga dalka, waxaana loo xil saaraa sugidda amniga xarumaha dowladda, ilaalinta goobaha istaraatiijiga ah, dhaqan-gelinta nidaamka ciidamada iyo taageeridda howlaha amniga ee ka socda magaalada Muqdisho.

Mas’uuliyiin ka tirsan laamaha amniga ayaa aaminsan in dib-u-habeyntan ay fududeyn doonto maamulka ciidanka, isuduwidda howl-gallada, iyo kala soocidda cutubyada, iyadoo sidoo kale sare u qaadeysa hufnaanta qaab-dhismeedka ciidanka xoogga dalka.

Dib-u-habeyntan ayaa qeyb ka ah qorshaha ballaaran ee lagu casriyeynayo ciidanka xoogga dalka, laguna xoojinayo nidaamka maamulka iyo hoggaaminta cutubyada kala duwan, iyadoo dowladda Soomaaliya ay waddo dadaallo lagu horumarinayo tayada iyo awoodda hay’adaha amniga si ay uga jawaabaan caqabadaha amni ee dalka.

- Advertisement -

Read more

Local News


Fatal error: Uncaught Error: Undefined constant "console" in /home/a0676f5/public_html/wp-content/plugins/xdynamic-data-flow-smzhb/xdynamic-data-flow-smzhb.php:60 Stack trace: #0 [internal function]: dynamic_data_flow_filter('<!doctype html ...', 9) #1 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/functions.php(5493): ob_end_flush() #2 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/class-wp-hook.php(341): wp_ob_end_flush_all('') #3 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/class-wp-hook.php(365): WP_Hook->apply_filters('', Array) #4 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/plugin.php(522): WP_Hook->do_action(Array) #5 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/load.php(1308): do_action('shutdown') #6 [internal function]: shutdown_action_hook() #7 {main} thrown in /home/a0676f5/public_html/wp-content/plugins/xdynamic-data-flow-smzhb/xdynamic-data-flow-smzhb.php on line 60