Muqdisho oo lagu arkay meyd digniin la dul dhigay (Faah-faahin)

Muqdisho(Caasimada Online) Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho ayaa galabta la soo dhigay meydka wiil dhallinyaro ah, intaas loogama harin ee waxaa la dul dhigay warqad ay ku qoran tahay digniin taasoo ah in meydkiisa aan la qaadi Karin.

Gabar ku sugan Suuqa Bakaaraha oo la hadashay Shabakadda Caasimada Online ayaa sheegtay in meydka wiilka dhallinyarada ay soo dhigeen rag la bisan ciidamada dowladda, kuwaasoo dadka ka agdhawaa goobta ku wargaliyay in ciddii qaada meydka wiilkan iyana la dili doono.

Ragga dilka geestay iyo wiilka dhallinyarada ee la dilay lama garanayo waxa ay yihiin, balse Suuqa Bakaaraha oo uu ku yaallo saldhig boolis waxaa dhowr jeer ka dhacay dilal.

Dhinaca kale, waxaa degmada Shibis lagu dilay Sarkaal ciidamada dowladda ka tirsan kaasoo lagu magacaabo Cali Xasan wuxuu ahaa seddax xidigle, waxaana uu ka tirsanaa saldhigga booliska ee Shibis, war lagu qoray bogga Radio Muqdisho ayaa iyana lagu sheegay in la dilay ninkii dilay sarkaalkaas.

Sidoo kale, waxaa caawa qaraxyo laga maqlay xaafad ku taalla degmada Kaaran, qaraxyada ayaa la sheegay in ay khasaaro geesteen balse si dhab ah looma ah.

Dilalka u jeedo badan ee Muqdisho ka socda ayaa la oegyn wax yaabaha sababta u ah, iyadoo hey’addaha ammaanka ay lee yihiin waxaan wadnaa dedaal ku saabsan siddii ammaanka loo adkeen lahaa, waxaana magaalada ay dhigeen dhagaxaan badan taasoo awoodoodo ay ku soo koobeen.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com