Nairobi (Caasimada Online) – Waxaa Waqtiyadaan dambe Shacabka Soomaaliyeed ay Hadal Hayeen in Xarumo lagu Faafiyo Mad-Habta Shiicada laga furey Magaalada Muqdisho waxaana Warkaan uu ka soo yeerey Mid ka mid ah Culimada Soomaaliyeed ee Fadhigiisu yahay Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya oo lagu Magacaabo Shiikh Maxamed Cabdi Umal, islamrkaana Sheegey in Ardey fara badan loo Diro Xarumahaasi si ay u Bartaan Mad-Habta Shiicada.
Umal ayaa farta ku fiiqey in arrintaan uu Hormuud u yahay mid ka mid Culimada Casharada Diiniga ah ka Bixiya Talefishinka Qaranka Soomaaliya waxaana uu Shiikh Umal Sheegey in arrintani ay Cawaaqib keeni hadaan loo Guntan in laga hortago .
Shiikh Cabdulaahi Sagal oo ah Shiikha lagu Sheegey in uu Hormuud uu ka yahay dadka qaatey Mad-Habta Shiicada oo isaga Naf Ahaantiisa nagala Soo Xiirey Magaalada London ee Dalka Ingiriiska oo uu haatan ku sugan yahay ayaa si Kulul u beeniyey Warka soo yeerey Shiikh Maxamed Cabdi Umal oo ka mida ah Culimada Soomaaliyeed kaasoo sheegey in Muqdisho ay ku yaalaan Xarumo lagu faafiyo Mad-Habta Shiicada waxaana uu Shiikh Sagal uu sheegey in uusan weligiis noqon kana mid Noqon doonin Dadka qaata ama ku Qanaca Mad-Habta Shiicada oo ay haystaan Dad Badan oo ku Nool qaar ka mid ah Dunida Muslimka,
Hadaba Daawo labada sheekh sida ay hawada isugu mariyeeyn Su’aalaha iyo Jawaabaha ee nala daawo.
HALKAAN KA DAAWO VIDEO-GA LABADA SHEEKHA:
Caasimada Online
Xafiiska Nairobi