Japan iyo Jabuuti oo ka hadlay arrimaha Soomaaliya [Warbixin]

Djibouti (Caasimada Online) Raysal Wasaaraha dalka Japan Shinso Abe oo maanta gaaray dalka Djibouti, waxaana garoonka diyaaradaha Jabuuti ku soo dhaweeyay Wasiirka Iskaashiga caalamiga Axmed Cali Shiilay, waxaana markii dambe uu Aqalka Madaxtooyada  kula kumay madaxweyne Ismaacil Cumar Geelle.

Labada nin ayaa ka hadlay arrimo dhowr oo ay ku jirto xiriirka labada iyo arrimaha Soomaaliya.

Mr. Abe ayaa ku ammaanay dowladda Djibouti dedaalkeeda ku saabsan siddii Soomaliya ay u xasulli lahayd, waxaana uu sheegay ra’iisal wasaaraha Japan in Djiboui ti ay ugu horreyso waddamada gobalka ee sida weyn u doonaya in nabad iyo kala dambeen ay ka dhalato dalka Soomaaliya.

Wuxuu ku cel-celiyay Mr. Abe in Japan ay diyaar la tahay siddii ay gacan uga geesan lahayd xasillinta dalka ku yaalla geeska Afrika.

Sidoo kale, ra’iisal wasaaraha Japan oo intii booqashada ku joogay dalka Djibouti wuxuu booqday saldhig ciidamada Japan ay ku lee yihiin meel ku dhow garoonka diyaaradaha.

Ciidamada Japan ayaa qayb ka ah howgalka caalamiga ee la dagaalanka burcad-badeeda Soomaalida.

Waa booqashadii ugu horreysay oo uu ra’iisal wasaaraha Japan Shinso Abe uu ku booqdo dalka Djibouti tan iyo markii uu xafiiska qabtay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Djibouti