25.7 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Dukaamo ganacsato Soomaali ay lee yihiin ayaa lagu boobay Koonfur Afrika

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Pretoria (Caasimada Online) Wararka naga soo gaaraya dalka Koonfur Afrika ayaa sheegaya in kooxo burcad madow ah in ay boobeen dukaamo ay lee yihiin ganacsatada Soomaalida ee ku dhaqan dalkaas.

Ilaa 12-dukaan ayaa la sheegay in la boobay kuwaasoo ku yaallay tuulooyinka hoostaga magaalooyinka dalka Koonfur Afrika.

Cabdulaahi Sheekh Cabdiraxmaan oo ka mid ah ganacsatada Soomaalida ee la boobay dukaamadooda ayaa saxaafadda u sheegay in dhammaan wixii yaalay dukaamada la qaatay.

Wuxuu kaloo sheeegay markii ay soo galayeen burcada madowga ah in ka carareen maadama ay ka cabsadeen in ay nafsadooda wax yeelo ugeestaaan.

Ganacsadahan ayaa sheegay in markii dukaamada la boobay ay soo gaareen ciidamada ammaanka, kuwaasoo sheegay in ay billaabayaan baaritaan.

Wuxuu kaloo sheegay in ay la kulmeen guddoomiyaha gobalka dhacdada ka dacday, kaasoona u sheegay in maanta Talaado ay kulan yeelan doonaan maalinta berri ah in ay ganacsatada Soomaalida la kulmi doonaan.

Dhacdooyinka noocan oo kale ee lagu boobo goobaha ganacsiga ee Soomaalida waa kuwa weli taagan, waxaana aan jirin cid wax ka qababata.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Johannesburg

 

- Advertisement -

Read more

Local News