Dhuusomareeb (Caasimada online) Ururka ahlu sunn, ayaa waxaa iminka soo wajahay qilaaf xoogan oo ku aadan maamulka cusub ee dowlada Soomaaliya ay usoo magacaawday , kaasi qaar kamid ah uriurka ay soo dhaweynayaan halka qaarka kalana ay ka biyo diidan yihiin Joogistiisa Galgaduud.
Magaalada Dhuusomareeb Waxaa ka soconaya kulan gaar u ah mas’uuliyiinta ururkaas Ahlu sunna , kaasi oo ku qotoma kala fikir duwanaanshiyaha Soo kala dhexgalay ururka iyo sidii ay wax meel iskula dhigi lahaayeen .
Xubno uu ka mid yahay gudoomiyaha gobolaha Fulinta ururkaas Sheekh Cabdi Cali Fiidow , ayaa si weyn waxay usoo dhaweeyeen Gudoomiyaha cusub ee gobolka Galgaduud ay usoo magacaawday dowlada Soomaaliya , halka xubno kale ay ka biyo diidan yihiin.
Sidoo kale shacabka degan gobolka Galgaduud ,ayaa dhankooda ku kala qeybsan arintan iyadoona qaar ka mid ah Shacabka dega deegaanada gobolkaas ay soo dhaweeyeen gudoomiyaha cusub ee gobolkaas halka qaarna ay ka biyo diidan yihiin .
Xuseen Wehliye Cifro, Gudoomiyaha gobolka galgaduud oo dhawaan xilkaas ay umagacaawday dowlada Soomaaliya ayaa Mucaarado wuxuu kala kulmay Maamulka Ahlu sunna ee gobolkaas qeybo ka mid ah maamulka .
Waxaa la muujinayay ififaalo u muuqday mid ku aadan inay is fahmaan Maamulka Cusub iyo Kan ahlu sunna ka dib markii Gudoomiyaha Cusub ee gobolkaas uu gaaray degmooyin ka mid ah gobolka iminkana uu ku sugan yahay Xarunta gobolkaas , hayeeshee waxaa muuqabnaya inuu wali jiro qilaaf arintaas ku aadan .
Caasimada online
Xafiiska Dhuusomareeb