Muqdisho (Caasimada online) Cornel: Maxamed C/laahi Dhaqane oo ka mid ah saraakiishii ciidanka ee dowladii dhexe ee Soomaaliya , ayaa sheegay in dowlada Ethiopia iyo waliba Axmed Madoobe uu cadaadis xoogan ka soo wajahay dhanka caalamka.
Heshiiskii shalay halkan ka arag
Wuxuu sheegay in cadaadiska soo food saaray Raaskambooni iyo Ethiopia uu ka dambeeyay kadib markii dowlada Soomaaliya ay dalbatay , isla markaana caalamku ay aqbaleen rabitaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Cornel-ka wuxuu shaaciyay in dowlada Soomaaliya inay dalbatay in looga dambeeyo arimaha Soomaaliya maadaama ay iyada hogaan u tahay guud ahaan dalka , taasi oo soo dedejisay in caalamku uu ku raaco arintaas , cadadisna uu saaro Ethiopia iyo Maamulka Kismaayo.
Caalamka ayuu sheegay inay garwaaqsadeen in Ethiopia aaney dooneyn xasiloonida Soomaaliya isla-markaana ay arimaha Kismaayo kaga sii ad adagtahay dowlada Kenya ,
Ugu dambeyn wuxuu sheegay in ay haboonaan laheyd in shirka ka soconaya magalada Adis –Ababa inuu ka dhoco Muqdisho hayeeshee wuxuu cadeeyay inay jiraan Siyaasiyiin , garab la ah dowlado Shisheeyo taasina ay tahay caqabada jirta.
Halkan ka dhageyso:
Caasimada online
Xafiiska Muqdisho