Muqdisho (Caasimada online) Kulan looga hadlayay sidii Shacabka Soomaaliyeed guud ahaan ay Amniga uga qeyb qaadan lahaayeen una cawin lahaayeen dowlada Soomaaliya, ayaa maanta wuxuu ka dhacay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.
Share
Kulanka waxaaa qeyb ka ahaa Saraakiisha ciidamada Amniga , Xubno ka socda wasaaradda arimaha gudaha iyo amniga qaranka iyo sidoo kale qeybaha kale ee bulshada Soomaaliyeed , gaar ahaan kuwa reer Muqdisho.
Wuxuu ka dhacay Xarunta Gaadiidka Booliiska Soomaaliyeed ,Waxaana Furitaankii Kulankaas ugu horeyn ka hadlay Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Generaal Saacid, isagoo sheegay in arimo badan ay wax ka qabasho u baahanyihiin gaar ahaan amniga.
Shacabka Soomaaliyeed ayuu u jeediyay codsi iyo baaq ku wajahan Sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen Sugidda dhanka Ammaanka ah , isagoona taasi ku micneeyay in ciidamada Boolisku kaligood aaney waxba qaban karin.
Isbadal deg deg ah ayuu sheegay in lagu sameyn doono ciidamada dowlada Soomaaliya , isagoo sheegay in taasi looga gol leeyahay sidii ciidamadu ay u caawin lahaayeen shacabka Soomaaliyeed wax qabad dhab ahna ay ula imaan lahaayeen.
Jaamac Oday, Wasiir ku xigeenka Wasaarada amniga iyo arimaha gudaha oo halkaasi isna dhankiisa ka hadlay ayaa sheegay in ciidanka Booliiska Soomaaliyeed lagu sameynayo dib u habeyn ku aadan la dhaqanka Bulshada Soomaaliyeed.
Xilliyada qaar magaalada Muqdisho waxaa ka dhaca falal ka dhan ah amniga , waxaana dowlada Soomaaliya ay dadaal xoogan ugu jirtaa sidii ay wax uga qaban laheyd xaalka amni ee caasimadda Soomaaliya.
Halkaan hoose ka dhageyso codka Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed
Caasimada online
Xafiiska Muqdisho
- Advertisement -
Read more