Beydhabo (Caasimada online) – Waxgaradka iyo odayaasha kasoo jeeda deegaanada gobolada Baay iyo Bakool ayaa waxay sheegeen inay kalsoonidii kala noqdeen dowlada Soomaaliya ka dib heshiiskii kasoo baxay Shirkii Adis Ababa ee Maamulka Jubba iyo dowladda Soomaaliya.
Suldaan Shariif Cali Xasan , oo kamid ah salaadiinta ka soo jeeda gobolka Baay ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya ay aqoonsi sii say Shaqsi aan u qalmin hogaaminta dalka gaar ahan deegaanada Jubbooyinka iyo Gedo.
Kadib kulan ay ku yeesheen Magaalada Beydhabo ee xarunta Gobolka Baay, ayay odayaashaas waxay shjaaca ka qaadeen inay kalsoonidii kala laabteen dowlada Soomaaliya marba hadii dowlada Soomaaliya ay aqoonsatay Maamulka Axmed Madoobe.
Suldaan Shariif Cali Xasan, wuxuu warbahinta usheegay kadib kulankaas in heshiiskii Adis-Ababa uu horseedayo kala qeybinta Shacabka , Waxaana uu sheegay in Kulankii Adis-abab iyo go’aankii kasoo baxay aan laga sameyn la tashi balse Shaqsiyaad uu sheegay inay dano gaar ah leeyihiin ay ujeedooyihkoodii ka gaareen.
Wuxuu sheegay inay u yeerayaan Mudanayashooda ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya inay sida ugu dhaw ay yimaadaan Beydhabo , waxana uu shaaciyay in kalsooni kala noqoshada dowlada ee kasoo yeertay aaney aheyn go’aan afka ah balse ay ku adkeysan doonaan.
Halkaan ka dhageyso Suldaan Shariif Cali Xasan
Dowlada Soomaaliya ayaa dhawaan waxay heshiis kula soo saxiixatay Magaalada Adis-Ababa ee dalka Ethiopia Maamulka Jubba ee uu majaraha u hayo Axmed Mdoobe.
Caasimada online
Xafiiska Beydhabo