25.8 C
Mogadishu
Sunday, June 22, 2025

Guddoomiye Tarsan oo weerar afka ah ku qaaday Xukuumada Somalia

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) Guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho, Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo caawa la hadlay mid ka mid ah Idaacadaha gudaha ayaa sheegay in uu aad uga xun yahay go’aan ay qaadatay wasaaradaha ganacsiga xukuumada Soomaaliya, taasoo maanta sheegtay in aysan aqoon san doonin rugta ganacsiga gobalka Banaadir oo shaley looga dhawaaqay Muqdisho.

Tarsan ayaa sheegay in go’aankaas uu ahaa mid nasiib daro ah, waayo ayuu yiri “Wasaaradda ganacsiga waa in ay la xisaabtanto Rugta ganacsiga ee ka dhisan Puntland ama tan ka dhisan Hargeysa, ama tan Baydhabo ma ahan in ay ka soo horjeesato ganacsato shaley doorasho sameestay dabadeedna doortay guddoomiye cusub”

Tarsan wuxuu tilmaamay in uu arrintaas maanta kala hadlay wasiirka una sheegay in tallaabadaas ay dhaawaceyso horrumarka uu sameenaayo maamulka gobalka Banaadir.

Guddoomiyaha gobalka Banaadir ayaa wax laga weydiiyay ammaan xumida ku soo korartay caasimada Muqdisho oo ay ugu dambesay weeraradii caawa ka dhacay qaar ka mid ah degmooyinka Muqdisho?

Tarsan ayaa hoosta ka xariiqay in magaalada Muqdisho ay tahay ammaan oo la isku haleen karo, wuxuuna tusaale u soo qaatay in marka loo barbardhigo magaalooyinka New York, London, Baghdad, Kabul iyo Nairobi ay ka ammaan fiican tahay magaalada Muqdish.

“Anniga markasta waxaan aaminsanahay in magaalada Muqdisho ay tahay magaallo ammaan ah oo la isku haleen karo, waxaana ay ka aammaan badan tahay New York, London, Baghdad, Kabul iyo Nairobi oo ay ka dhacaan dilal iyo shilal badan” ayuu yiri Tarsan.

Wuxuna ugu dambeen tilmaamay in magaalada ay qasayaan kooxo calooshood u shaqeestayaal ah, loogana baahan yahay dowladda in ay tallaabo ka qaado xagga ammaanka.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News