Muqdisho (Caasimada Online) Mid ka mid ah siyaasiyiinta Soomaalida ayaa weerar afka ah ku qaaday dowladda Soomaaliya gaar ahaan wasaaradda arrimaah gudaha iyo amniga qaranka.
Cabdulaahi Sheekh Xasan oo la hadlay mid ka mid ah idaacadaha maxaliga ayaa sheegay in amni xumida ka jirta magaalada Muqdisho ay mas’uul ka tahay wasaaradda arrimaha gudaha iyo amniga qaranka.
“Mas’uuliyadda ammaan xumida ka jirta magaalada waxaa sabab u ah wasaaradda oo uu ugu horeeyo wasiirka, wixii dhacay habeen hore haddii aan dad xilal looga qaadin, dowladda waa ay fashilantay,dadkuna ay iska difaacaan maadama dowlad la isku haleeyo meesha aysan ka jirin”ayuu yiri Cabdulaahi Sheekh Xasan.
Wuxuu sheegay in ay nasiib daro tahay iyadoo degmooyinka Muqdisho habeen hore ay ka dhaceen qaraxyo iyo hoobiyaal in hal qof xitaa aan la soo qaban.
Muxuu ka sheegay xiriirka dowladda iyo Shacabka?
Mar uu ka hadlaayay Cabdulaahi Sheekh Xasan xiriirka ka dhexeeya dowladda Soomaaliya iyo Shacabka, wuxu tilmaamay in shacabka bilihii ugu horeeyay ay dowladda rabeen balse markii ay arkeen kartideeda iyo wax yaabaha ay ku dhaqaaqeyso in ay ka niyad jabeen sida uu hadalka u dhigay.
“Shacabka dowladda rajo fiican ayuu ka qabay, balse markii ay ogaadeen in dowladda ay tahay mid aan wax badan ka qabaneynin arrimaha ku xeeran oo ay kaliye xireyso jidadka, qabaneyso qofka aan waxbo geesan,uusan jirin garsoor, canshuur gooni ah maamulka gobalka Banaadir uu qaadayo waa ay naceen” ayuu yir markale siyaasi Cabdulaahi Sheekh Xasan.
Hadalka Siyaasigan ayaa ku soo beegmaya iyadoo habeen hore magaalada Muqdisho meelo badan laga maqlay qaraxyo iyo iska hor imaad.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho

