Maxaa maanta ka cusub Muqdisho, muxuuse yahay qorshaha Xasan Sh.?

Muqdisho (Caasimada Online) Magaalada Muqdisho waxaa maanta lagu soo gabagabeen doonaa shirweyne muddo shan cisho socday, kaasoo ay ka qaybgaleen in ka badan 200 oo qof kuwaasoo qaar kood ay ka yimaadeen waddamada qurbaha.

Shirkan oo dowladda Soomaaliya ay qabtay, waxaa looga hadlaayay arrimo ay ka mid yihiin siddii sannadka marka uu yahay 2016-ka ay dalka uga dhici lahaayeen afti daweyne oo doorasho ah, in dib loo eego dastuurka kumeel gaarka ee dalka u yaala iyo sida dowladda ugu sahlan ee nidaamka fedaraalka loo gaarsiin lahaa dalka oo dhan.

Shirka waxaa furay madaxweynaha Soomaaliya, waxaana ka qaybgalay ergayga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Nichalas Key iyo ku-simaha ra’iisal wasaaraha ahna wasiirka arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga Marwo Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaallka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Afar maalin ka hor furay shirkaasi ayaa lagu wadaa in maantana uu soo xiro shirkaasi.

Sida ay noo sheegeen illo ku dhowdhow xafiiska madaxweynaha shirka waxaa gabagabadiisa maanta laga soo saari doonaa war-murtiyeed ay ku qoran yihiin qoddobada laga doodday muddada shanta cisho.

Waxaa la filayaa in shirka uu soo xiro madaxweynaha Soomaaliya.

Akhristow wararka shirka kala soco Shabakadda Caasimada Online oo si toos ah idiinku soo tabineyso hadba wax soo kordha, hanaga dheeraan Mahadsanid.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com