Dhageyso: Puntland: Hogaanka DF un baan la shaqeyn weynay mooyee waan ogolnahay arrinta federaalka Somalia

Garoowe (Caasimada online) Maamulka Puntland ayaa Markale  Ku Celiyay In shirka Biljimka Ay Ka qaybgalayaan Iyagoo Ka Madaxbanaan Dowlada federaalka Somaliya

Wasiirka qosheenta Maamulka Puntland Eng: Axmed Caydiid, ayaa sheegay in Maamulkoodu ay shirka Bartamaha Bishan ka furmi doona Magaalada Baraasalis ee dalka Biljimka inay kaga qeyb galayaan iyagoo ka madaxbanaan dowlada Soomaaliya .

Inkastoo Maamulka Puntland uu hore arintan u shaaciyay ayaa hadana Wasiirka Qosheenta Maamulkaas Wuxuu sheegay in Puntland ay tahay dowlad ka madaxbanaan Soomaaliya waxaana uu sheegay in shirkaas ay ka qeyb galayaan hadii Caalamku ay ogolaadaan in si ka madaxbanaan dowlada Soomaaliya kaga qeyb galaan  .

Dowlada hadda jirta ee uu hogaamiyo Xasan Sheekh ayuu sheegay inay is fahmiyen Balse ay lashaqeyn doonaan dowlada hadii hogaan kale ay la wareegaan , waxaana uu tilmaamay in Puntland aysan go’aanka Ka qaadan arinta federaalka Soomaaliya Balse ay la shaqeyn waayeen Hogaanka iminka talada dalka haya.

Wuxuu sheegay inay ka maarmaan dowlada Soomaaliya, isagoo sheegay in dowlada Soomaliya ay iyadu u baahan yahay Puntland isla-markaana ay ka cawiyeen dhanka Farsamada .

Dhawaan waxay Puntland shaacisay inay kalsoonidii kala laabatay dowlada Dhexe ee soomaaliya kadib markii sida ay ku eedeysa wax laga badalay Dastuurka Soomaaliya .

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO HADALKA PUNTLAND

Halkaan ka dhageyso Wasiirka qorsheenta

Caasimada online

Xafiiska Garoowe

Caasimada@live.com