Guddoomiyihii hore ee Barlamanka oo weerar ku qaaday DF Somalia, Sabab?

Muqdisho (Caasimada Online) –  Guddoomiyihii Hore ee Baarlamaaka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe, ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay aqoonsatay Jabhad baabi’isay Shacabka.

” Jabhadda ka arrimisa Kismaayo waxa ay si aan ka leexad laheyn u baabi’iyeen shacabka degan Magaalada Kismaaayo , hadana dowladdu waa ay sii aqoonstay” ayuu yiri Xildhibaan Adan Madoobe.

Mudane Adan Madoobe oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in meelaha qaar xittaa ay burburiyeen jabhaddaasi guryihii shacabku degenaa si aan raadadkooda dambe loo arkin , isagoo fadeexad soo food saartay dowladda Soomaaliya ku tilmaamay aqoonsiga Jabhaddaasi.

Si Kastaba hadalka Xildhibaan Adan Madoobe ayaa Imaanaya xilli Guddoomiyaha Maamulka Jubba Axmed Madoobe uu ka dhawaajiyay in ay dhamaatay carqaladihii ka dhanka ahaa Maamulkiisa.

Beelaha Digil iyo Mirifle ee uu kasoo jeedo Aadan Madoobe, ayaa si ah u mucaaraday heshiiskii DF iyo maamulka Jubba, oo ay sheegteen inay deegaan ahaan wax ka lee yihiin, balse dowladda ay siisay koox gaar ah.

Isha: radio shabelle