Amisom oo dejisay qorshe cusub iyo Muqdisho oo maalmaha soo socda….

­­­Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka Ciidanka AMISOM Cali Adan Xumad ayaa sheegay in iyaga ay diyaariyeen qorshe ay ku sugayaan amaanka guud ee magaalada Muqdisho iyo gobalo kale oo ka tirsan dalka Somalia.

Cali Adan Xumad ayaa sheegay in AMISOM ay dareentay in amaan daro baahsan ay ka jirto dalka Somalia sidaas awgeed loo baahan yahay in wax weyn laga qabto xaalada guud ee amaanka Muqdisho.

Afhayeeka ayaa sheegay in ay diyaariyeen ciidan ku filan sugida amaanka kuwaas oo ka hor tai doonaan falalka wax looga dhimayo amaanka magaalda Muqdisho waxa uuna cadeeyay in dhawaan howlgalayaan, oo magaalada oo idil ay isku fidin doonaan.

Sidoo kale Afhayeenka AMISOM Cali Adan Xumad ayaa sheegay in uusan hada sicad u sheegeynin sida ay howsha u qaban doonaan balse uu cadeenaayo in iyaga ay wax ka qaban doonaan amanka guud ee dalka Somalia meelaha ay ka joogaan.

Hadalkaan ka soo yeeray Afhayeenka ciidanka AMISOM ayaa waxa uu ku soo beegmayaa xili habeen ka hor magaalada Muqdisho ay ka dhaceen qaraxyo iyo dilal qorsheesan oo magaalada oo dhan laga maqlay.

Isha: Hadaf News Network