Muqdisho (Caasimada online) General: C/naasir Maxamuud oo ka mid ah sarakiisha ciidamdii dowladii dhexe ee dalka ayaa wuxuu ka hadlay warar sheegayain xabsiga loo taxaaabay General Garaad, taliyihii ciidamada Booliska Soomaaliyeed iyo Sidoo kale Abuukar Cali Axmed oo loo yaqaan Xaan kaadheefaa Hogaanka howlgalinta Booliska .
Xarigga Saraakiishan oo sida la sheega kadambeysay kadib markii habeeno ka hor Muqdisho ay ka dheceen falal qaraxyo ah ,waxana saraakiishan lagu eedeeyay xil gudasho la’aan iyo inay wax kaqaban waayeeen howshii loo idmaday, sidaasi darteedna xabsiga loo dhigay .
General C/naasir, wuxuu sheegay in dowlada Soomaaliya ay ku fududaatay Xarigga Saraakiishan oo uu tilmaamay inay yihiin kuwii ugu wanaagsanaa ee soo mara Ciidamada dowlada Soomaaliya Gaar ahaan kuwa Booliska , waxaana uu dowlada Soomaaliya ka dalbaday inay dib uga laabato.
Wuxuu sheegay in Amni darada Gudaha dalka ay si toos ah u quseyso wasaarada Arimaha Gudaha Soomaaliya gaar ahaan wasiirka arimaha gudaha Soomaaliya , waxaana uu shaaca kaqaaday howsha Ciidanimo aysan aheyn mid Gaar ah balse ay Tahay mid guud sida uu sheegay .
Saraakiisha Xilka laga qaaday Xabsigana la dhigay ee Hogaanka howlgalinta iyo Taliyaha Booliska gobolka Banaadir ayuu sheegay inay yihiin inta uu ka garanayo kuwii ugu haboonee ee howshaas loo idmado , waxaana uu intaasi ku daray inaan loo baahneyn arin hal habeen dhacday inaaan saraakiil howshooda daacad u ah sida uu hadalka u dhigay aan looqag qaadin.
Generalku, wuxuu soo bandhigay Su’aal ah waxa xilligan keenay Xilka qaadistan isagoo sheegay in ay hore Falal ceynkani ah ay Muqdisho kaga dheceen balse aan xilka la isaga qaadin waxaana uu soo bandhigay waxa saraakiishan xilka looga qaaday balse kuwii ka horeeyayaan looga qaadin.
General Garaad Taliyaha Booliska gobolka Banaadir iyo Generaal Xaankaa dheefaa ayaa iminka sida la tilmaamayo waxay Muqdisho ugu xiran qaab xabsi guri ah Sida wararka aan ku heleyno walina ma jirto Mas’uul Saraakiisha ciidamada dowlada Ama Mas’uuliyiinta dowlada Soomaaaliya ah oo arintan ka hadlay.
Caasimada online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com