Muqdisho (Caasimada Online) Illo xog-ogaal ah oo la hadlay Shabakadda Caasimada Online, ayaa noo sheegay in Axmed Madoobe hoggaamiyaha ku-meel gaarka maamulka Jubba in uu magaalada Muqdisho kula kulmay rag isku magacaabay madaxweynayaasha maamulka Jubbland oo ka soo heeda .
Dadka aan xogtan ka soo xiganay ayaa leh, waxaa tan iyo shaley magaalada Muqdisho ka socday kulamo ay garwadeen ka tahay dowladda oo lagu kulan siinaayo Axmed Madoobe iyo ragga ka soo jeeda oo hadda inta badan ku sugan caasimada.
Axmed Madoobe dadka uu la kulmay waxaa ka mid ah Cumar Buraale iyo Iftiin Xasan Baato, kuwaasoo horey isku magacaabay in ay yihiin madaxweynayaasha maamulka Jubbaland.
Si dhab ah looma oga wax yaabaha kulankaas looga hadlay balse waxaa loo badinayaa in looga hadlay siddii la isugu soo dhaween lahaa dhinacyada isku haya Kismaayo, loogana qaybgali lahaa maamulka kumeel gaarka ee madaxda u yahay Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).
Si kastaba, kulanka ayaa ku soo beegmay iyadoo labo cisho ka hor kulan ay ku yeesheen Muqdisho, rag uu ka mid yahay Barre Aadan Shirre Hiiraale, ay sheegeen in ay aad uga xun yihiin aqoonsiga dowladda ay siisay garab ka mid ah dhinacyada isku haya Kismaayo.
Raggan waxa ay ka digeen dagaal sokeeye oo ka dhaca Kismaayo iyo guud ahaan gobalada Jubbooyinka iyo Gedo haddii aan dowladda si caddaalad ah u maareen xiisadda Jubbooyinka iyo Gedo.
Axmed Madoobe, waxaa hadda looga fadhiyaa in uu soo dhammeestiro maamulka kumeel gaarka ee Jubba, kaasoo yeelan doona seddax guddoomiyaal.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho
Caasimada@live.com