25.7 C
Mogadishu
Monday, June 16, 2025

MUQDISHO: Miino aasid baabuurta BL-ka loo billaabay (Faah-Faahin)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada online) Wararka aan ka heleyno meel ku dhaw Ex Contarol Balcad ee degmada Heliwaa ayaa waxay ay sheegayaan in halkaas qarax miidno lagula eegtay gari ay saarneeyeen dad shacab ah oo wadadaasi ku socdaalayay.

Wararku waxay sheegayaan in Gaariga  qeybta dambe uu qaraxa kaga dhacay mana jirin khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo soo gaaray shacabkii la socday gaarigaasi BL-ka ahaa ee uuqaraxu halleelay Sida wararka ka imaanaya halkaasi ay sheegayaan .

Goobjoogayal ku sugangoobta qaraxaas uu ka dhacay ayaa sheegaya in xaalada iminka ay tahay mid caadi kusoo laabatay isku socodkii dadka iyo baabuurtana ay dib ushaqo bilaabeen kadib hakad ku yimid Muddo daqiiqado ah sabab la xiriirta qaraxaas  .

Shacabka Muqdisho Gaar ahaan kuwooda ku dhaqan degmada Heliwaa aya inoo shaagay in arintan ay walaac xoogan kusii abuureyso maadaama sida ay sheegeen lagama maar maan ay u tahay isticmaaalka gaadiidka BL-ka ah , waxaana ay kuu sheegayaan markaad xuuransato in arintan ay tahay mid laga Xumaado.

Majirto cid sheegatay Mas’uuliyada Qaraxan sidoo kalana kama aysan hadlin Sasaarkiisha ciidamada dowlada Soomaaliya ee degmada Heliwaa .

Arintan ayaan aheyn mid ka cusub magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho  inuu qarax ka dhaco gaar waxaana sidan oo kale gawaari Shacab uu  haleelay qaraxyo waxyeelo kala duwan geystay waxay uga dhaceen meelo ka mid ah Muqdisho.

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho 

Caasimada@live.com

- Advertisement -

Read more

Local News