Muqdisho (Caasimada Online) War hadda soo dhacay, wuxuu sheegayaa in caawa lagu dilay magaalada Muqdisho, mid ka mid ah nabadoonadii soo xulay baarlamaanka Soomaaliya.
Dad ku sugan xaafadda SOS ee degmada Yaaqshid oo la hadlay Shabakadda Caasimada Online ayaa sheegay in xaafadaas lagu dilay caawa nabadoon lagu magacaabi jiray Cumar Cabdi Sheekh.
Sida ay lee yihiin dadka noo warramay nabadoonka waxaa toogtay kooxo bastoolado ku hubeysan, kuwaasoo markii ay dileen goobta ka baxsaday.
Ma jirto ilaa hadda wax faah-faahin oo ku saabsan dilka nabadoonkan mana jirto koox sheegatay, balse waa nabadoonkii labaad oo muddo 24-saac gudahood la dilay, xaley ayey ahayd markii nabadoon caan lagu dilay magaalada Beledweyne ee gobalka Hiiraan.
Dhinaca kale, kooxo ku labisan dharka ciidamada ayaa caawa ku toogtay xaafadda Xariyaale ee degmada Wardhiigleey nin ganacsado ah oo halkaas caan ka ahaa.
Inta la dilin ninka ganacsadaha oo lagu magacaabo Maxamuud Jeenyo, waxaa la sheegay in ay dhaceen dukaan uu lahaa, dabadeedna ay dhowr xabad ku dhufteen.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho