25.8 C
Mogadishu
Friday, November 14, 2025

Wararkii ugu dambeeyay ee weerarkii Nairobi oo weli socda + Video cusub

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Nairobi (Caasimada Online) Wararkii u dambeeyay ee weerarkii shaley ka dhacay Nairobi ayaa sheegaya in weli kooxda hubeysan ay ku jiraan Moolka West Gate ee Nairobi, halkaas dad badan ay ku dhinteen kuwa kalena ay ku dhaawacmeen.

Weerarka ayaa la sheegay in ay ku dhinteen 39-qof in ka badan 223 kalena waa ay ku dhaawacmeen, dadka dhintay waxaa ku jiraa Faransiis iyo carruur.

Ciidamada ammaanka ayaa hadda ku hareereesan goobta weerarka lagu qaaday ee Suuqa laga dukumaameesto ee Wast Gad.

Waxaana la aaminsan yahay in weli dad kale ay ku heestaan gudaha dhismaha.

Ciidamo badan ayaa la soo dhoobay goobta weerarka lagu qaaday, waxaana ay isku diyaarinayaan weerar culus oo ay ku qaadaan goobta oo ah meelaha caanka ah ee dalka Kenya.

Saraakiisha ammaanka waxa ay lee yihiin waxaan gacanta ku dhignay qaybta labaad ee dhismaha oo ka kooban shan dabaq.

Madaxweynaha Kenya Uhurro Kenyatta ayaa cambaareeyay weerarka ka dhacay suuqa West Gad, waxaana uu sheegay in uu mid argagixiso ah.

Beesha caalamka ayaa si ukul uga jawaabay weerarka ka dhacay Nairobi, Qaramada Midoobay ayaa cambaareeyay sida lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska xog-hayaha guud ee QM, sidoo kale, Maraykanka, Britain, France,ayaa si isku mid ah u cambaareeyay weerarka ka dhacay Nairobi.

Waa weerarkii ugu xumaa ee ka dhacay dalka Kenya tan iyo sannadkii 1998-dii xilligaas oo weeraro lagu qaaday safaarada Maraykanka ee Nairobi.

Halkan ka daawo video-gii u dambeeyey

Wixii warar ah ee ku soo kordha arrintan kala soco Shabakadda Caasimada Online oo wariyaal u jooga Nairobi Kenya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

- Advertisement -

Table of contents [hide]

Read more

Local News