25.2 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Kadib Westgate, Kenya oo mar kale la weeraray caawa (Warbixin)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Wajeer (Caasimada Online) War hadda soo dhacay wuxuu sheegayaa in qaraxyo xooggan laga maqlay magaalada Wajeer ee gobalka Waqooyi-Bari Kenya.

Sida ay lee yihiin dadka goobjoogayaal ah qaraxyada ayaa laga maqlay bartamaha magaalada Wajeer, waxaana mid ka mid ah lagu weeraray askar ka tirsan Kenya.

Inta la ogyahay seddax qof ayaa ku dhaawacmay kuwaasoo loo qaaday Isbitaalka Wajeer oo hadda lagu daweynayo.

Sido kale, kooxo hubeysan ayaa weerar ku qaaday dad rayid ah oo ku caweynayay gurigooda hortooda, waxaana la sheegayaa in qaraxaasi uu geestay khasaaro balse ma cadda inta uu la egyahay.

Ciidanka ammaanka ayaa goobta tagay kuwaasoo hadda baaraya, sida ay wax u dhaceen, waxaana bandow lagu soo rogay magaalada Wajeer.

Dhinaca kale, wasiirka arrimaha guda iyo amniga qaranka ee dalka Kenya Joseph Ole lenku oo galabta shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in hawlgalkii muddada afarta cishi ka socotay  xarunta Westgate  la soo afjaray,

Wasiirka ayaa sheegay in ay dileen 10 ka ka tirsanaa kooxdii hubeysneyd ee soo weerartay.

Joseph Ole Lenku ayaa tilmaamay inay wadaan baaritaan ku saabsan dhalashada koooxda ay ku dileen howl galka, wuxuuna intaas ku daray in ka caawinayaan arrintaas khuburo ka socda waddamada Britain, Maraykanka, Cannada iyo Israel.

Dalka Kenya waxaa maanta ka billaabatay saddex maalmood oo baroor diiq ah oo lagu muujinayo sida looga xun yahay  dadkii ku dhintay weerarkii xarunta ganacsiga ee Westgate.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News