26.9 C
Mogadishu
Thursday, June 26, 2025

Sheekadii ugu xiisaha badneed Jaceyl iyo Maseer oo ka dhacday BOORAMA

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Boorama (Caasimada Online) – Wiil ku nool Borama ayaa ku dhiiraday sheekadii ugu xiisaha badneed kadib markii ay wajaheen Jaceyl iyo Maseer isbaheystay.

Sheekadaan xiisaha badan oo Wariye Omar AlBashiir ka soo diray Borama waxay ku bilaabatay sidaan:-

Wiil ayaa gabadh si kal iyo laaba u caashaqay,kaba sii darane sheekadu waxay aheyd habeen iyo maalin laakiin bilooyin macaan badan kadib ayey gabadhii isbarteen wiil afmiishaara oo ku xeeldheer haasawaha jaceyl iyo sida hablaha qalbigooda loo hanto.

Maalintii ay telefoonada kala qaateen habeenkeedii ayuu wiilkii gabadha hore ula socon jiray sidii caadada aheyd garaacay telefoonkii guriga ee lacag la’’aanta ahaa hasse yeeshee nasiibdaro laba saacadood wuxuu sheegayay mashquul.

Wiilkii oo garwaaqsaday in gacalisadiisa uu gacan gashay afmiishaarkii saacada ka hor la bartay wuxuu qaatay go-aan qosol badan oo qof ku nool Borama laga filan Karin inuu ku fikiro.

Wiilka jaceylkiisii afmiishaarka afduubtay wuxuu ku lebistay dharka ay ku shaqeeyaan qolada Shirkadaha Isgaarsiinta kadibna wuxuu istaagay daaqada gurigii gacalisadiisa ku nooleed”CAJIIB WUXUU MAQLAYAA GABADHII OO QOSOLKEEDA BAXAYA,SHEEKADA ADUUNKA KU JIRTA”

Markii uu xaqiiqsaday inay la hadleyso wiilkii ay baratay ayuu fuulay derbigii guriga ,wuxuuna jaray fiiladii telefoonka.
Wiilkii oo faraxsan ayaa dib ugu laabtay gurigiisa maadama uu afmiishaarkii iyo gacalisadiisii kala jaray haasawahii u socday hasse yeeshee taasi waxaa ka raacay weri iyo qoomamo.

Walaaca ugu weyn iyo shalaaytadiisu waxay noqotay inuu waayay meel uu kala xiriiro gabadhii maxaa yeelay habeenkaas waxay ahayd jimca,waxayna danta ku qasabtay inuu sugo ilaa sabtiga.

Wiilka wuxuu yiri “ HADII AAN ISKA SUGI LAHAA MASHQUULKA MAR UNBEEY KA BIXI LAHEYD LAAKIIN GO-AANKEEYGII WAXAA KA DHASHAY INAAN SUGO 48 SAACADOOD OO IIGA BADAN 48 SANO”

Caasimada Online

Xafiiska Hargeysa

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News