Muqdisho (Caasimada Online) – Odayaasha iyo wax-garadka beelaha Biimaal ayaa si weyn uga soo horjeestay guddi dhawaan xukuumada Soomaaliya ay u magacowday qabanqaabada shirka dib u-heshiisiinta beelaha Jubbooyinka oo bisha soo socota ka dhacaya Muqdisho.
Odayaasha iyo wax-garadka Biimaal ayaa shir jaraa’id oo ay ku qabteen Muqdisho, waxa ay dowladda ku eedeeyeen in ay indhaha iska tireyso awooda beesha Biimaal oo ka mid ah beelaha Dir isla markaa dagga qaybo badan oo ah gobalada Jubbooyinka iyo Gedo.
Qaar ka mid ah odayaasha beeshaas ayaa dowladda ku eedeeyay in si ka fiirsi la’aan ay ugu dhawaaqeen guddigaas, waxaana ay sheegeen in marka loo eego qaabka loo xulay guddigaas laga tagay uun beesha Biimaal.
Waxa ay ku baaqeen in dib loo eego guddigan ka hor inta aan la qaban shirka dib-u-heshiisiinta, haddii kalena wixii ka yimaada ay madaxa saaran doonto dowladda Soomaaliya.
Dhinaca kale, odayaashan ayaa si kulul u weeraray wasaaradda gaashandhigga Soomaaliya, kuwaasoo ay ku eedeeyeen in ay wax ka qaban weysay kooxaha jidgooyooyinka sharci darada u taalo deegannada gobalka Shabeellaha Hoose.
Waxa ay amaaneen wasaarada arrimaha gudaha iyo amniga qaranka, kuwaasoo ay sheegeen in dhex-dhexaadin ka bilaabeen beelaha ku dagaalamaya gobalka Shabellaha Hoose.
Dhawaan ayaa war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska ra’iisal wasaaraha waxaa lagu magacaabay guddi soo qaban qaabiya shirka dib-u-heshiisiinta, kaasoo wajigiisa koobaad uu ka dhacayo Muqdisho halka wajiga labaadna uu ka dhacayo Kismaayo.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho