26.6 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

Yaa ka dambeeyey sawir gacmeedkii uu Amiin Caamir ku weeraray Saacid?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar ku dhowdhow xafiiska R/wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa sheegaya in ay soo baxayaan eedeymo loo jeedinayo xubin ka tirsan howl-wadeenada xafiiska R/wasaaraha, oo la leeyahay waa maskaxdii ka dambeysay sawir gacmeed ku soo baxay shabakadda Aminarts, oo lagu muujiyey dowladdii oo dhaqaaqday & R/wasaarihii oo hurdaya, waxaana lagu eedeeyey sarkaalkaasi ka tirsan xafiiska inuu dhaqaale ku bixiyey in sawirkaasi lagu soo daabaco shabakadda Aminarts.

Ujeedada laga leeyahay sawirka ayaa lagu sheegay si indhaha bulshadda looga jeediyo waxqabadka & horumarka ay ku tillaabsatay xukuumadda muddadii ay jirtay taasoo aaney ciddina caad ka saarneyn, waxaana sidaasi qaba mid ka mid ah saraakiisha xafiiska, wuxuuna xusay in nasiib wanaag laga war-hayo wax uu ku sheegay dhilqaha ku dhex jira xafiiska, ee gacanna xafiiska kula shaqeynaya, gacanta kalena mucaaradka ku marxabeynaya.

25_SEP_2013“Wararkan dicaayadaha ah ee lagu faafiyey shabakadda Aminarts waxaa markii hore lagu tuhmayey mid ka mid ah howl-wadeenada xafiiska inuu ka dambeeyo, balse hadda tuhunkii wuxuu isu beddelay xaqiiq, waxaana la soo ogaaday in isaga oo ay isticmaalayaan dhinacyo mucaarad ah in uu la xiriiray Aminarts, uuna ku bixiyey dhaqaale in sawir gacmeed mala-awaal ah laga sameeyo R/wasaaraha” ayuu yiri sarkaal ka tirsan Xafiiska Saacid oo codsaday inaan la magacaabin.

“Waxaad moodaa in bulshada Soomaalidu ay sida muraayadii u arki karaan waxqabadka xukuumadda & horumarka ay ku tillaabsatay, dadka shirqooladaasi maleegayana waa 2 kooxood, koox ay dhibeyso in ay arkaan cid aan iyaga aheyn oo shaqada sidii loogu talogalay u wada & kuwa ka maseyrsan xilka uu hayo Saacid oo kursigaasi iyagu caashaqsan, waxaana runtu tahay in 2-daas qolo ay u baahan yihiin in ay dadkooda soo raacaan oo aaney ku habsaamin dicaayad & hal abuur qabali ah” sidaa waxaa yiri mid ka mid ah howl-wadeenada xafiiska R/wasaaraha, wuxuuna intaa ku daray in shaqsiyaadka dicaayada faafinaya in ay doonayeen in ay jilbaha dhulka ugu dhuftaan R/wasaaraha, hasse ahaatee wixii hadda ka dambeeya si weyn looga digtoonaan doono”.

- Advertisement -

Read more

Local News