Hargeysa (Caasimada Online) Maamulka Somaliland ayaa ku celiyay in si madax-banaan loogu soo wareejin doono dhaqaalaha beesha caalamka uu siiyo Soomaaliweyn.
Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Maxamed Yoonis Biixi oo warbaahinta kula hadlaayay magaalada Hargeysa ayaa sheegay in wixii hadda ka dambeeya dhaqaalaha beesha caalamka si madax banaan loogu soo wareejin doono oo aan loo soo marsiin doonin dowladda fedaraalka Soomaaliya.
Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in Somaliland oo aan ictiraaf helin tan iyo sannadkii 1991-dii haddana ay si fiican u maali doonto dhaqaalaha beesha caalamku uu siiyo.
Waxa kaloo uu sheegay haddii dhaqaalaha la soo dhiibo ay u baahan tahay in si haboon loo maamulo sida uu hadalka u dhigay.
Somaliland kama qaybgalin shirkii caalamiga ee Brussels, waxaana ay sheegtay in shirkaas uu gaar u yahay Soomaaliya, balse waxaa la lee yahay si madax banaan ayaa arrinteeda shirkaas looga hadlay dhaqaalaha lagu deeqayna si madax banaan ayaa loo siinayaa.
Dowladda Soomaaliya iyo maamulka Somaliland tiro ka labo jeer ayey ku kulmeen dalka Turkiga balse, wax natiijo ah oo aan ka ahayn in ay kulmaan kama soo bixin labada jeer.
Somaliland waxa ay ku celcelisaa in ay Soomaaliya ka go’day sidaas oo ay tahay haddan ma helin aqoonsi caalami ah muddadaas 22-ka sanno.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Hargeysa