27.1 C
Mogadishu
Monday, June 23, 2025

Sawirro + Video: Xuseen Cayaar-Jecel oo si kalgaceyl loogu qaabilay Xamar

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online0) – Fanaanka Soomaaliyeed ee  Xuseen Shire Ciyaar Jecel oo kamida kooxda qeyladhaan ayaa maanta soo gaaray magaalada muqdisho,waxaana garoonka caalamiga ee Aadan Cadde ku soo dhaweeyey xildhibaano ka tirsan barlamaanka soomaaliya , ururada haweenka degmooyinka gobolka,bahda fanka oo isugu jiray fanaaniin iyo abwaano.

Dadka soo dhaweeyay fanaanka Xuseen Shire Ciyaar jecel ayaa waxaa wajiyadooda ka muuqaneeysay sida ay ugu farxsan yihiin imaansha fanaankan,iyadoo dhankiisa fanaanku uu aad ugu faraxsanaa imaanshaha dalkiisa iyo waliba sida wanaagsan ee loogu soo dhaweeyey muqdisho..

Abwaan Maxamed Xussen Owliyo oo kamid ahaa abwaaniintii soo dhaweneysay fanaan Xuseen Shire ayaa waxaa uu sheegay in uu aad ugu farxsanyahay imaanshaha fanaanka,isagoo sheegay in imaanshaha fanaaniinta iyo abwaanada ee muqdisho ay muujineeyso nabadda ka dhalatay dalka.

Sidoo kale fanaan Xuseen Chire Ciyaar jecel oo dalka dib ugu soo laabtay ayaa waxaa uu sheegay in uu ku faraxsanyahay in mudo ka dib uu dalkiisa hooyo dib ugu soo laabto isla markaana uu dhibka la qeybsan doono shacabka soomaaliyeed.

Fanaanka ayaa sheegay in uu doonayo in uu tuso cadwaga wax ma garatada ah ee dalka ku duulay in aan ka dagaalamo gobollada dalka si aan cadawga uga xureeyno dalka.

Nabadda ka dhalatay magaalada muqdisho ayaa sababtay in ay dalka dib ugu soo laabanayay abwaanada iyo fanaaniinta soomaaliyeed oo dalka dibadiisa in mudo ah ku noolaa,waxaana laga tilmaami karaa fanaanita dalka timid Hiba Nuura,Maxamed Axmed Qoomaal,iyo Hibaaq Maxamed C/laahi,waxana la filayaa in dalka yimaadaan kuwo kale.

shire 1shire 2shire 3shire 4shire 5shire 6shire 7shire 8shire 9shire 10

- Advertisement -

Read more

Local News