26.8 C
Mogadishu
Monday, June 23, 2025

Sawirro: Kacdoonka Mombasa oo ay dad ku dhinteen, kadib Sheekh la dilay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wadaad caan ah oo lagu magacaabo Shiekh Ibrahim Amor, oo Kenyati ah iyo saddex qof oo kale ayaa xalay lagu dilay magaalada Mombasa.

Dilka afartan qof ayaa sababtay dibadbaxyo iyo rabshado maanta ka dhacay magaalada salaadii jimce kadib.

Saraakiisha Kenya ayaa sheegay in dadka rabshadaha sameeyay ay gubeen kaniisad.

Dhalinyaro magaalada Mombassa dagan oo ka cadheysan dilka Sheekha ayaa waxay maanta dab qabadsiiyeen kaniisad.

Shuyuukhda gobolka ayaa dilkan ku edeeyay dowladda Kenya inay ka danbeyso.

Laba todobaad ka hor waxa la weeraray Suuqa Westgate ee magaalada Nairobi kaasi oo sababay dhimashada 70 qof iyo dhaawaca ku dhowaan 200.

Taliyaha booliska Mombasa ayaa sheegay in 24 ruux u qabteen falkan oo lala xiririnayo inay ka danbeeyeen kicinta rabshadahan.

Boolisku waxay beeniyeen inay gacan ku leeyihin dilka Shiikha ee xalay, hase yeeshee caddeymaha soo baxaya ayaa muujinaya in ciidanka Kenya ay u dhaqmeen sida maleeshiyo oo kale, oo ay dileen Sheekha.

 

 

 

 

- Advertisement -

Read more

Local News