28.9 C
Mogadishu
Monday, November 17, 2025

Aw-Libaax iyo Axmed Madoobe oo ay ka dhex tafan tahay (Muxuu Aw-Libaax maanta ka yiri shirka Jubba?)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) Maamulka Ahlu Sunna ee gobalka Gedo ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin shirka toddobaadka dambe ka dhacaya magaalada Muqdisho ee looga hadlaayo arrimaha Jubbooyinka.

Shirkan waxaa qabaneysa dowladda fedaraalka Soomaaliya, waxaana ka soo qaybgalaya beelaha degga gobalada Jubbooyinka iyo Gedo.

Guddoomiyaha Ahlu Sunna ee gobalka Gedo, Sheekh Maxamed Yuusuf Aw-Libaax oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in maamulkooda uu ka qaybgali doono shirka arrimaha Jubbooyinka ee ka dhacaya Muqdisho.

Wuxuu sheegay oo kale in ay ka soo horjeedaan hadal uu shaley sheegay hoggaamiyaha maamulka Jubba Axmed Madoobe kaasoo ah in aysan ka qaybgali doonin shirka ka dhacaya Muqdisho.

“Annaga reer Jubbooyinka iyo Gedo ayaan nahay waan nimid Muqdisho, waana ka qaybgalaynaa shirka waa in Axmed Madoobe uu yimaadaa halkan” ayuu yiri Aw-Libaax.

Aw-Libaax ayaa tilmaamay in hadalkaas uu sheegay Axmed Madoobe uu ku kooban yahay isaga balse aysan la qabin dadka degga seddaxda gobal.

Ugu dambeentii wuxuu sheegay in wajiga labaad ee shirka Jubbooyinka lagu qabto Gedo maadama aysan ammaan ahayn Kismaayo.

Si kastaba, waxaa sheegis mudan in Sheekh Maxamed Aw-Libaax uu ka mid ahaa ragga sida dhow ula shaqeen jiray Axmed Madoobe, balse dhawaan ayaa laga soo ceyriyay magaalada Kismaayo.

Dhinaca kale, magaalada Muqdisho waxaa maanta ka dhacay kulan ballaaran oo ay ka qaybgaleen beelaga degga Jubbooyinka kuwaasoo dhawaan tagi doona Kismaayo si ay ugu soo qalqaaliyaan Axmed Madoobe in uu ka soo qaybgalo shirka Muqdisho.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News