Nairobi (Caasimada Online) – Taleefishinka CNN ayaa helay Video qaas ah oo ku saabsan dhacdadii West Gate ee 21-kii September ka dhacday dalka Kneya, taasi oo socotay muddo afar maalmood ah laguna dilay 67 qof.
Video-gan cusub ayaa muujiyey muuqaallo aan horey loo arag oo ku saabsan weerarkaasi.
Muuqaalada cusub waxaa ka mid ah kuwa qabtay markii kooxda ay soo galaysay albaabka hore ee West Gate iyo qaar ka mid ah oo taagaan banaanka.
Waxaa sdoo kale ku jira dad si toos ah loo tooganayo iyo rasaas xooggan oo duul duuleysa oo kaamirada ay qabatay.
Waxaa muuqata in dadka weerarka geestay ay ahaayeen kaliya afar qof, halka Kenya ay sheegtay 15 qof, taasi oo muujineysa awood darrada ciidamada Kenya, oo la macaamili waaye 4 qof muddo 4 maalmood ah.
Waxaa sidoo kale muuqaalkan cusub ku jira qaar ka mid ah raggii weerarka fuliyey oo dukanaya salaad iyo ayaga oo sii deynaya haweeney wadatay caruur yar, una ogolaaday inay iska baxdo.
Muuqaalada qaar kuma haboona inay daawadaan dadka yar ama ay adag tahay inay xamilaan video-yada aadka u muujinaya argagaxa, ee haddaadan awoodin fadlan ha daawan
Halkan ka daawo Muuqaalka
Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
[email protected]

