31.9 C
Mogadishu
Wednesday, April 22, 2026

Cabdi Qaybdiid iyo saraakiil British oo booqanaya deeganno ku yaal Mudug

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Hobyo (Caasimada Online) Madaxweynaha Maamulka Galmudug Cabdi Cawaale Qeybdiid iyo Wafdi British ayaa booqanaya deeganno ku yaalla gobalka Mudug.

Meelaha ay booqdeen waxaa ka mid ah Hobyo, Wisil iyo deeganka Ceel Huur oo 100km u jirra magaalada Gaalkacyo ee gobalka Mudug.

Cabdi Qaybdiib oo saxaafadda kula hadlay degmada Hobyo oo ah meel ay ku xooggan yihiin burcad-badeeda ayaa sheegay in deeganka laga ciribtiray kooxaha burcad-badeeda.

Sidoo kale Cabdi Qaybdiid wuxuu sheegay in deegannada Galmudug laga hirgalin doono mashaariic ballaaran oo la doonayo in looga faa’ideeyo dadka ku dhaqan deegannada Galmudug uu gacanta ku hayo.

Wuxuu sheegay madaxweynaha Galmudug in ay heshiis la galeen shirkad shisheeye oo doonaya in ay mashaariic ka hirgaliyaan deegannada Galmudug si dadka ay uga faa’ideestaan.

Meelaha socdaalka ay ku tageen mas’uuliyiinta Galmudug iyo saraakiisha Biritish-ka ayaa lagu soo dhaweenayay caleemo qoyan iyo farxad.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka

[email protected]

 

 

 

- Advertisement -

Read more

Local News