27.9 C
Mogadishu
Thursday, October 30, 2025

Dhageyso;- Xaaska Wariye Tima-Cadde oo ka sheekeyneysa Dhawaaciisa

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada online) Qadiijo Cali Cadow, waa Xaaska Wariye Maxamed Maxamuud Tima Cadde, Warbaahinta ayay uga warbixisay Sida ay wax u dheceen Saaka, iyo dhaawaca soo gaaray Seygeeda

“Saaka inagoo isku faraxsan ayuu iga soo tagay Wuxuu ii sheegay inuu aadayo Uganda si uu halkaas Simi nar uga qeyb galo , xitaa waxaa ka muuqatay Farxad saa’id Balse nasiib xumo daqiiqado kadib markii iga soo tagay Dhaawaciisa ayaa la ii soo sheegay inuu laamiga yaalo” ayay Tiri Qadiijo Cali

Raga dilay waxay sheegtay inay wateen gaari , waxaana ay tilmaamtay inay gaarigiisa ku hor jareen gaarigii ay wateen Xabado badana ay ku rideen inkastoo lix ka mid ah ay qeybta sare ee Jirka ay ka haleeshay.

“Markii la isoo wacay ee la ii sheegay dhaawaciisa Laamiga ayaan usoo cararay, intii aan usoo socday waxaa iga hor yimid Gaarigii ay wateen Ragga Dilay Laakin wajiyadooda ma arki karin waayo gaariga Xowli ayay u wadeen Bus xoogan ayayna wada ku reebeen, ayay Hadalkeeda Sii raaciysay.

Waxay sheegtay in dad goob joog ahaa Xillga wariyaha la dhaawacayay inay u sheegee in raga Dhaawacay ay ahaayeen ilaa 3 nin Mid ka mid ah oo Shaati cad watayna uu ku dhiftay Risaasta ugu badan ee  Jirkiisa haleeshay.

“Hada wali xaalkiisa Ma wanaagsan dhaqaatiirtu rajo ayay Muujinayaan inkastoo Xaala liidato uu ku jiro Seygeyga, waxayse dhaqaatiirtu ay ii shegeen inuu wanaagsanaan doono  wax walibana waa qadar RABBI ” Sidaasi yiri Qadiijo Cali Xaaska Wariye Tima-Cadde.

Guddoomiye ku xigeenka dhinaca Arrimaha Bulshada degamda Wadajir,Macallin Max’us Saneey Warsame  ayaa sheegay  in howl gallo ay wadaan ciidamada Ammaanka degmada kuwaasi oo lagu baadi goobayo Kooxihii ka dambeeyay  dhaawaca Wariye Tima-Cadde.

Halkaan Hoose ka dhageyso Wareysiga Qadiijo Cali Cadow

Qadiijo Cali Cadow

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News