WAR HADDA SOO DHACAY: Wafdi uu ku jirro Gen Gabra oo tagay Kismaay

Kismaayo (Caasimada Online) Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbadda Hoose, ayaa sheegaya in halkaas ay gaareen wafdi ka socda Midowga Afrika, Midowga Yurub iyo Qaramada Midoobay.

Wafdiga gaaray Kismaayo ayaa waxaa ku jirra xubno ka socda waddamada Kenya iyo Ethiopia, gaar ahaan Gen: Gebra oo ahaa sarkaalkii hoggaaminaayay ciidamada Ethiopia ee tagay Soomaaliya sannadkii 2006-da. waxaana hadda ay kulamo la lee yihiin mas’uuliyiinta maamulka kumeel gaarka ee Jubba.

Ma cadda wax yaabaha ay u tageen wafdigan Kismaayo, sidoo kale ma jirto wax war ah oo la sii yay warbaahinta, waxaana la adkeeyay ammaanka magaalada iyadoo la jaray Isgaarsiinta.

Imaashiyaha wafdigan ayaa ku soo aadaya iyadoo shaley magaalada Kismaayo ay tageen wafdi ka socda dowladda oo uu hoggaaminaayay wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka, Cabdikariin Xuseen Guuleed.

Wixii ku soo kordha kala soco Shabakadda Caasimada Online.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com