GABDHO SOOMAALI ah oo ka bar bar dagaalamaya mucaaradka dalka Syria

Oslo (Caasimada Online) Booliska caalamiga ah ee Interpol ayaa raadinaya labo gabdhood oo walaalo ah, haystana dhalashada dalka Norway, balse asal ahaan ka soo jeeda Soomaaliya, kuwaas oo u safray dalka Syria si ay uga garab dagaallamaan kooxaha Mucaaradka ah ee Dalka Syria

Da’da labadan Gabdhood ayaa lagu sheegay inay u dhexeyso 16- sano jira ilaa 19-Sano jir sida uu shaaciyay Booliska Oslo , Waxaala la sheegay in la waayay Maalintii Jimcaha kadibna laga war helay inay ku sugan yihiin meel u dhow Soohdinta Syria.

 Qoyska labadan gabdhood oo booliska ay wax ka weydiiyeen halka ay gabdhohoodu aadeen ayaa sheegay inay ka wlaacsan yihiin In ay jiraan Syria Sida saraakiil ooliska Oslo ka tirsan ay shaaciyeen .

Booliska Norway oo kaashanaya Booliska Caalamiga ah ee Interpol ayaa raadin kula dhaqaalay Labadan Gabdhood , oo la sheegay in Fariin  Email- ah ay u qoreen Qoyskooda oo ku nool dalka Norwey , waxaana sharadaax ay ka bixiyeen Bixitaankooda.

“Muslimiinta waxaa lagu soo qaaday dagaal jihooyin badan, waana in arrintaas wax laga qabtaa. Waxaan rabnaa inaan caawinno Muslimiinta, habka kaliya ee aan ku caawin karnana waa inaan la qeybsannaa xannuunkooda iyo farxaddooda,” ayay ku qoreen qeyb ka mid ah farriinta iimaylka, sida laga soo xigtay jariiradda yar ee afka Norwiegan-ka wax ku qorta ee Verdens Gang.

“Wax ma tarayso in kaliya guryaha la iska joogo oo lacag la diro. Sidaas awgeed, waxaan go’aansannay inaan aadno Syria si aan u caawinno Muslimiinta intii awooddeenna ah.

Lama shaacin magacyada labadan gabdhood ee walaalaha ah , hayeeshe waxaa la sheegay in iyaga iyo qoyskooda ay dalka Norwey ku noolaayeen Tan iyo Sanadkii 2000 kadib markii Magan galyo ay ka heleen

Wararku waxay Sheegayaan in qoyska Gabdhan aysan aheyn reer mayal adag Hayeeshee waxaa la tilmaamay in lagada Gabdhood mida weyn Mudooyinka laga dheehan karay is badal iyo ad adeeg weyn , iyadoona bilowday qaadashada Xijaab weyn iyo Indho shareer sida la sheegay

30 ilaa 40 qof ayaa ka tagay Norway si ay uga qeyb-qaataan dagaalka Syria, sida lagu shaaciyay qiyaas ay sameysay hay’adda sirdoonka Norway.

Caasimada Online

Xafiiska Oslo

Caasimada@live.com