Danjire Key oo Faroole u sheegay in ay xal ugu jirto in uu la heshiiyo DFS

Garoowe (Caasimada Online) Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay, oo tagay magaalada Garoowe eexarunta Puntland ayaa sheegay in madaxweyne Faroole laga doonayo siddii uu xiriir fiican ula sameesan lahaa dowladda fedaraalka Soomaaliya.

Danjire Key ayaa ku celceliyay inuu rajeynayo in maamulka Puntland ay soo celiso xiriirka kala dhexeeya dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, si loo xaqiijiyo horumarinta iyo dib u dhiska Soomaaliya.

Wuxuu ku amaanay maamulka Puntland in kaalin muhiim ah ay ku leedahay nidaam federaal ah oo ka hirgala Soomaaliya iyo nabad ku soo dabbaalidda dalka.

Dhinaca kale, Key ayaa soo jeediyay in doorashada lagu wado inay horraanta sanadka soo socda ka dhacdo deegaannada maamulka Puntland ay noqoto mid xor ah oo xalaal ah.

Wuxuu shegay danjire Kay inay muhiim tahay in la hubiyo in baarlamaanka soo socda ee maamulka Puntland laga qeyb galiyo dumarka iyo in la dhowro xuquuqda suxufiyiinta.

Si kastaba, dajire Nicholas Kay ayaa shaley soo gabagabeeyay booqasho labo maalmood qaadatay oo uu ku joogay magaalada Garoowe ee xarunta Puntland, waxuu la kulmay madaxweyne Faroole, xubno ka tirsan wasiirrada iyo baarlamaanka maamulka, odayaasha dhaqanka iyo qeybaha bulshada, isagoo kala hadlay sidii loo xaqiijin lahaa in ay dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah oo dhacda waqtigeeda.

Puntland ayaa isku diyaarineysa doorashadii afaraad tan iyo markii la unkay sanadkii 1998-dii.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Garoowe

Caasimada@live.com