Maamulka Caasimada Online, waxa uu raali gelin buuxda ka bixinayaa war si qaldan ugu baxay website-ka 22-kii bishan october oo ku saabsanaa in madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud uu shaqada ka ceyriyey Xoghayihii Guddiga Amniga ee dowladda Somalia Xuseen Damuumaaye.
Warkaasi waxa uu ahaa mid aan sax ahayn, balse ilo-wareedyo aan aaminnay ay u sheegeen wakiil wareedka Caasimada Online ee Muqdisho.
Caasimada Online waxa ay raali gelin buuxda siineysa Xoghayihii Guddiga Amniga ee dowladda Somalia Xuseen Damuumaaye, madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud, madaxtooyada Somalia, hay’dda nabad sugidda iyo aqristayaasha.
Waxaan madaxtooyada Somalia uga mahad naqeynaa inay nala soo socodsiisay in warkaas aanu sax ahayn, waxaana aqristayaasha iminka u xaqiijineynaa in Xuseen weli uu xilkiisa hayo, warkii qaldanaana laga saaray bogga.
Ma qaldame waa Alle. Caasimada Online oo mar walba ku dadaasha baahinta warar xaqiiq ah waxa ay aad uga xun tahay in qaladkaas uu ka dhacay, waxaana ku dadaali doonnaa in wararka aan qoreyno ay noqdaan 100% sax Insha allah.
Mahadsanidiin
Tifaftiraha Caasimada Online
Ahmed Ali
Washington DC

