Nairobi (Caasimada Online) Ra’isul Wasaarihii Hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi oo weerar afka ah ku qaaday Dowlada Somalia ayaa sheegay in loo baahan yahay in dowladu ay qaadato dhaliilaha soo jeedinayo dadka siyaasiyiinta iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Somaaliyeed.
Dhaliisha ayuu sheegay inay tahay mid aan aheyn neceyb ay u qabaan hogaamiyaasha xilka haya balse ay qeyb ka yihiin muwaadiniinta dalka xaqna ay u leeyihiin inay ka hadlaan waxa dib udhaca keeni kara.
Cali Maxamed Geedi, wuxuu sheegay in dowlada Somalia looga baahan yahay ahmiyada Koowaad inay siiso ciidamada dowlada Somalia isla-markaana xilligan dhaqaalaha dowlada ay hesho uu kaafiyo Mushaaraadka ciidamada .
“ Dhaqaale laga aruuriyo Jaaliyadaha ama Caalamka uu Soomaaliya siiyo xilligan ahmiyad saas ah ma laha waayo dowada Qasnadeeda lacagta ku jirto waa mid ku fulin dib u qalabeynta iyo mushaaraadka ciidamada “ ayuu yiri Cali Maxamed Geedi xilli uu ka qeyb galayay Barnaamij Dood wadaag ah oo ka baxay Tv-ga Universal
Geedi, oo dib u milicsaday mudadaii uu xilka hayay ayaa sheegay in wax badan uu ka badalay ciidamada dowlada Somalia , waxaan uu sheegay in ciidamada iminka shaqeeyo ay u badan yihiin kuwii la dhisay intii uu xilka hayay
Afhayeenka Xukuumada Somali ahna la taliyaha Madaxweynaha Somalia Engneer C/raxmaan Cumar Cusmaan oo ka jawabayay eedeynta Geedi ayaa sheegay in la hayo Taariikhdiisa isla-markaana uu ka mid yahay ragga caalamka ka hor istaagay in Somalia la caawiyo.
Yariisoow, wuxuu sheegay in mudadii ay xukuumadasii ay jirtay inuu Musuq Maasuq xoogan geystay, waxaana uu sheegay in la og yahay isla-markaana uu qof walib ka war hayo Geedi waxa uu sameeyay sida uu shaaciyay.
Eedeynta geedi ayuu sheegay inay tahay mid aan sal iyo raad toona laheyn isla-markaana ay dowlada Somalia ka go’an tahay horumarinta ciidamada balse Cali Geedi uu caadeystay Dacaayaddeynta dowlada Somalia.
Sidoo kale Cali Maxamed Geedi oo ka jawaabay hadalka Afhayeenka Madaxweynaha ayaa sheegay in xilligan waxa ay harsanayaan ay tahay hooskii ay keeneen isaga iyo madaxweynihii hore ee Somalia C/laahi yuusuf.
“Ma Jecli inaan cunug yar oo Food dheere ah aan u jawaabo laakiin Aniga Cali Geedi ahaan hadii aan wax musuq maasuqay iyadoo war qad la wato ayaa la ii imaan lahaa ama qoladii hantida aan muqus maasuqay ayaa eedeyn kala kulmi lahaa , kooxda daba galka xitaa wali magaceyga sooma ayan hadal qaadin balse hadalka Yariiisoow waxaan u arkaa in la yiri ninkaas naga soo celi “ ayuu yiri Ra’isul Wasaaarihii hore ee dowladii KMG aheyd
Dowlada Somalia ayaa inta badan mucaarado kala kulanta siyaasiyiin ku sugaan dalka dibadiisa gaar ahaan magaalada Nairobi ee Caasimada Kenya , inkastoo Ra’isul wasaarihii hore ee dowlada KMG aheyd Cali Maxamed Geedi uu ugu cad cad yahay
Caasimada Online
Xafiiska Nairobi

