Kismaayo (Caasimada online) Sarkiisha Ciidanka Maamulka Maamulka Juba ayaa waxay ay Waxba Kamjiraan Ku Tilmaamay In Madaxtooyada Maamulkaas Lagu Toogtay Askari Katirsan Ciimada Maamulka Juba oo Lagu edeeyay Dilka sakari Kale .
Xilli Shalay Wabsite-yada qaar ay baahiyeen inMadaxtooyada Maamulka Jubba Xukun Qisaas ah lagula Fuliyay Askari dil kula dhaqaaqay Askari kale oo ka tirsan Maamulka Jubba ayaa Taliyaha qeybta Booliska Maamulkaas Maxamuud Qaaalib wuxuu sheegay in arintaas ay tahay mid been abuur ah.
Wuxuu sheegay inaysan waxba ka jirin in Shalay Madaxtooyada Maamulka Jubba ee Magaalada Kismaayo in askari lagu qisaasay, balse wuxuu sheegay inay jiraan kuwo badan oo ore xukuno dil ah lagu fuliyay , inkastoo uu ka biyo diiday in shalay wax xukun dil ah uu Kismaayo ka dhacay.
Taliyaha ayaa sheegay in howlgalo Ciidamada Maamulka Jubba ay ka sameeyeen magaalada Kismaayo inay kusoo qab qabteen dad badan oo dhambiyo kala duwan lagu soo eedeeyay , waxaana uu tilmaamay inay ku howlan yihiin kala saaritaanka dadkan lasoo qabtay .
Qoflkii dambi uu ku cadaado ayuu sheegay in maxkamad la soo taagi doono , waxaana uu tilmaamay in qofkii dambe lagu waayo iyada oo qanacsan lasii deyn doono lagana raali galindoono mudadii ay xirneyd .
Guud ahaan maamulka Jubba deegaanada uu ka arimiyo ayuu sheegay inuu ka dhaqan galay amar ah in qofkii qof dila in la dilo, waxaana uu meeshja ka qaasray wax la yiraahdo xeer soomaali iyo in si hoose kiisaska dilalka ah in loo xaliyo .
” Qofkii Qof dilaa sharciga ka yaala waa in la dilaa laakiin Reerka wax laga dilay diyo wey qaadan karaan taas iyaga xur u ah , laakiin waa waajib in sharciga islaamka lagu dabaqo wax waliba oo shaca ma dhici doonto in qof dilaa ah uu bulshada isaga dhex noolaado. ayuu yiri Maxamuud Qaalib.
Warar soo baxayay ayaa sheegayay in madaxtooyada Maamulka Jubba xukun Qisaas ah lagula fuliyay Askari dil kula dhaqaaqay Askari kale oo ka tirsan Maamulka Jubba.
Halkaan Hoose ka dhageyso Codka Maxamuud Qaalib
Taliyaha Ciimada Maamulka Juba Maxamuud qalib
Caasimada online
Xafiiska Kismaayo

