27.1 C
Mogadishu
Thursday, November 20, 2025

Farmaajo oo muddo kadib soo hadlay & arimo badan oo uu shaaca ka qaaday

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) Isagoo ka qeyb galayay Barnaamij dood ah oo ka baxayay Tv-ga Universal oo looga hadlayay qaabka Ciidamada dowlada Somalia lagu caawin karo isla-markaana loo dhiso karo ciidan qaran oo Karti leh, ayuu sheegay Ra’isul wasaarihii hore ee dowladii KMG aheyd Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo, in Taasi ay tahay mid  sahlan laakiin u baahan go’aan dhab ah .

Farmaajo, ayaa dib u milicsaday waqtigii uu Somalia Ra’isul wasaaraha ka ahaa ,  waxaana uu sheegay in shaqadii ugu horeysay ee uu wax ka badalay inay aheyd nidaaminta iyo dhismaha Niyada Ciidamada dowlada Somalia.

Maxamed C/laahi Maxamed Ra’isul wasaarihii hore ee Somalia isla-markaana  Taariikh wanaagsan ku leh Dalka Ciidamaduna ay aad u jeclaayeen, ayaa tilmaamay in Ciidamadu ay Yihiin Muhiimada ugu horeysa , isagoo sheegay in ay leeyihiin karti iyo awood xoogan balse waxa ka maqan ay tahay Dhiiri galin iyo in Niyad dhis joogto ah la siiyo.

” Anigu Talo uma soo jeedinayo waayo dowladu waxay leedahay Nidaam u degan oo ay qorsheyneyso inay wax uga badasho qaabka ciidamada , laakiin wixii talo ah oo ay iiga baahdaan waan siiyaa walina diyaar ayaan u ahay ” ayuu yiri Farmaajo.

Wuxuu sheegay markii Xilka loo dhiibayay in ciidamadu ay ahaayeen kuwo niyad aan heyn balse uu ku fakaray sidii uu damiirkooda usoo nooleyn lahaa  rag badan oo ay ganacsato ku jiraan ayuu tilmaamay inay ka gacan siiyen arintaas , waxaana uu shaaciyay in dhamaan dadkii lasoo shaqeeyay uu u mahad celinayo.

“Hadii Akariga Niyad dhis loo sameeyo Agabka uu u baahan yahay la siiyo Baahidiisa iyo dharatiisa la ogaado  Raashinkiisa Mushaarkiisa, iyo Dawadiisa la ogaado kii Dhintana reerkiisa laga war hayo oo aan la dhihin bel wuu geeroyooday kaliya waxaan hubaa in Ciidamadu ay kusoo laaban doonaan sidii waagii Bari samaadkii ay ahaan jireen oo kale ama kuwa hada caalamka ka jira ee awooda lagu tiriyo.

Ugu dambeyn wuxuu u mahad celiyay  isla-markaana Salaan hawada uu u mariyaya Saraakiishii Ciidamada ee Xilligii uu Ra’isul wasaaraha ahaa Sida , General Dhaga badan, General Saneey, General Maaalin iyo saraakiil kale oo   intooda badan aan xilal ka heyn dowlada iminka Jirta.

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News