Kismaayo (Caasimada online) Saraakiisha ciidanka Dowladda Soomaaliya ee Gobalada Jubbooyinka ayaa si cad waxay uga soo horjeestay heshiiskii Dowladda Soomaaliya iyo Axmed Madoobe ay ku kala saxiixdeen magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubadda hoose.
Maxamed Ibraahin Buule, Wuxuu kamidyahay Saraakiisha ciidanka Dowladda ee kusugan deegaanka Goobweyn ee duleedka Magaalada Kismaayo wuxuu cadeeyay inaysan marnaba qaadan doonin go’aanada ay wada gaareen Dowladda iyo Axmed Madoobe,
Wuxuu dhaliilay Dowlada Somalia waxaana wax aan u cuntamin uu ku tilmaamay In hubka dhigis lagu sameeyo iyaga , waxaana uu sheegay inaysan tagi doonin Magaalada Kismaayo iyaga oo isdhiibaya.
Cornel Buule, Wuxuu eedeeyay Wasaarada difaaca Soomaaliya oo uu sheegay inay hoostagaan balse, aan lasiin ahmiyad ku aadan kamid ahaanshaha ciidanka xooga dalka Soomaaliya, waxaana uu u sheegay inay dayacday iga oo aaney ka war heyn waxa ayu ku sugan yihiin xilligan.
Dhanka kale Kuxigeeenka Hogaamiyaha Maamulka KMG ah ee Jubba General C/laahi Sheekh ismaaciil Fatraag, wuxuu sheegay in Shirka Muqdisho ee aayaha Jubbooyinka looga hadlayo uu yahay mid go’gol xaar u ah Wajiga labaad ee Shirkaas oo Kismaayo ka dhicidoona.
General Fartaan, wuxuu tilmaamay in Shirka Muqdjsho uu soconayo muddo seddex Maalin ah oo kaliya isla markaana Seddex maalin aan lagu wada heshiin karin Khilaaf soo jireen ahna aan lagu xalin karin Balse Shirka Kismaayo ka dhicidoona ayuu shaaciyay inuu yahay midka rasmiga ah ee Xalka dadka dega gobolada Jubbooyinka iyo Gedo khilaafkooda lagu dhameynayo sida uu sheegay.
Labada Bishan Soo aadan ayaa la filaya in shirka Muqdisho ee Jubbooyinka looga hadlayo uu si rasmi ah u furmo , inkatoo wali si dhab ah dowlada Federaalka Somalia aysan u cadeyn xilliga rasmiga ah ee uu Furmayo shirkaas.
Halkaan Hoose ka dhageyso Codka Fartaag
Caasimada online
Xafiiska Kismaayo