Muqdisho (Caasimada Online) Afhayeenka Aqalka madaxtooyada Somalia ahna la taliyaha Madaxweynaha Somalia Engneer C/raxmaan Cumar Cismaan yariisoow, ayaa warbaahinta wuxuu uga warbiaya gudi ka socday Gudiga golaha amaanka ee Midowga Africa .
Wuxuu sheegay in Ujeedka ay gudigan ay soomaaliya ay u yimaadeen inay tahay u kuur galida xaalada am nee Somalia iyo baahiyaha Ciidamada dowlada Somalia iyo Kuwa AMISOM .
Afhayeenka ayaa sheeegay in Guddigaas oo ka koobanyihiin 15 da,l ay kaliya ka maqan tahay Dowlalada Masar, inkastoo sababta uusan sheegin balse wuxuu sheegay inay iminka diyaar u yihiin iay muujiyaan taageerada ay u hayaan dowlada Somalia.
Gudigan ayuu sheegay inau aqbalen isla-markaana ay u hagaansameen fikirkii madaxweynaha Somalia ee ahaa in la qalabeeyo isla markaana la tayeeyo coodamada Somalia taas uu ku sheegay inay tahay mid guul ah .
“ Markii ugu horeysay Taariikhda caalamka Somalia ayaa Caalamka waxaa kala hadli doona Gudiga Golaha Amniga ee Midowga Africa, waxaana QM la hor geyn doono warbixin loga codsanayo in ciidamada Somalia la qalabeeyo isla-markaan laga dhigo kuwo tayeeysan” ayuu yiri Yariisoow.
Hadii la tayeeyo ciidamada dowlada Somalia ayaa la aamin san yahay in ay awod uyeelan karaan xaqiijinta amniga dalka isla-markaana laga maarmi karo ciidamo shisheeyo .
Caasimada online
Xafiiska Muqdisho
Caasimama@live