QM oo abaal marineysa suxufiyiinta dalka Somalia

Nairobi (Caasimada Online) Qaramada Midoobay ayaa maanta oo Jimco ah, waxa ay daahfureysa qorshe ku aadan siddii abaalmarin loo siin lahaa wariyaasha ku hadla af Soomaaliga ee ka howgala dalka.

Abaalmarintan ayaa looga gun lee yahay siddii loo niyad dhisi lahaa wariyaasha ka howgala dalka, waxaana la eegi doona sida ay wax u qoraan ama ay uga soo warramaan warbixinada ay ka diyaariyaan dalka.

Philip Lazarani waa wakiilka Qaramada Midoobay ee arrimaha xuquuqda aadanaha Soomaaliya, wuxuu saxaafadda u sheegay in wariyaasha Soomaalida ay qabteen howllo aad u fiican oo lagu wacyi galinaayo shacabka Soomaaliyeed.

Bandhigga daahfurka abaalmarintan ayaa maanta si isku mid ah looga dhawaaqi doonaa magaalooyinka Muqdisho, Hargeysa iyo Garoowe.

Soomaaliya oo 22-kii sanno ee la soo dhaafay waxaa ka socday dagaallo sokeey, waxaana ka soo warramayay wariyaasha Soomaalida, kuwaasoo dhibaatooyin kala kulmay shaqadooda.

Wariyaasha ku guuleesta abaalmarintan waxaa la siin doonaa qalab iyo abaalmarino qaali ah sida ay lee dahay QM, waxaana lagu dhawaaqi doonaa maalinta xuquuqda aadanaha ee bisha December ee sannadkan.

Soomaaliya waxa ay ka mid tahay waddamada lagu dhibaateeyo suxufiyiinta caalamka, waxaana sannad kasta lagu dilaay wariyaal iyadoo ay ugu dambeesay markii toddobaadkan lagu dhaawacay caasimada Muqdisho wariye u shaqeenaayay TV-ga Universal.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

Caasimada@live.com