Dhageyos: Waalidka 2 gabdhood oo ku biiray mucaaradka Syria oo hadlay

Istanbul (Caasimada Online) Waalidka dhalay labo gabdhood oo ku biiray kooxaha ka dagaalama dalka Syria ayaa ka hadlay sababta ku kaliftay in gabadhahooda ay tagaan dalkaas oo in ka badan labo sanno uu ka socdo dagaal sokeeye.

Saadaq Cabdulaahi, oo ah aabaha dhalay labada gabdhood ayaa isaga ku sugan dalka Turkiga wuxuu u sheegay caawa VOA in dhowr cisho markii uu raadinayay gabadhihiisa ay kala soo hadleen dalka Syria.

Wuxuu sheegay in gabadhihiisa laga waday dalka Norway, isla markaana lagu qalqaaliyay in ay ku biiraan kooxaha ka dagaalama dalka Syria ee ku kacsan dowladda Bashar Al-Asad.

Mar  la weydiiyay magacyada iyo da’da gabdhihiisa, wuxuu sheegay in gabdhihiisa lagu kala magacaabo Ubaad iyo Raxmo, waxaana weyn ayuu yiri Ubaad oo ah 18-jir halka mida kalena ay jirto 16-sanno.

Wuxuu sheegay in ay haboon tahay in lala socdo carruurta masaajida iyo malcaamada qur’aanka ay wax ka baranayaan iyo cida halkaas joogta.

Mar la weydiiyay in la soo hadleen, wuxuu sheegay in ay la soo hadashay gabadha weyn taasoo u sheegtay in la joogo xilligii wax loo qaban lahaa muslimiinta iyo dadka dhiman.

Ugu dambeen Aabo  Saadaq ayaa sheegay in ay hadda wadaan baaritaan ku saabsan siddii lagu ogaan lahaa dadkii ka dambeeyay in gabdhihiisa ay ka tagaan dalka Norway isla markaana ay aadaan dalka Syria.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Ankara

Caasimada@live.com