DAAWO Sawirrada: Taliyaha ciidamada Talyaaniga oo soo gaaray Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) Magaalada Muqdisho, waxaa maanta soo gaaray wafdi uu hoggaaminaayo taliyaha guud ciidamada Talyaaniga, waxana ay kulamo la qaateen madax ka socota dowladda fedaraalka Soomaaliya.

Wafdiga Talyaaniga ayaa shir albaabada u xiran waxa ay gudaha garoonka diyaaradaha Muqdisho kula qaateen wasiirka gaashandhigga, taliyaha ciidamada xoogga, abaandulaha ciidamada iyo saraakiil kale oo ciidan.

Labada dhinac ayaa ka hadlay arrimo badan oo ay ka mid tahay xoojinta xiriirka labada dowladood iyo siddii Talyaaniga uu door uga qaadan lahaa dib u dhiska iyo tayeenta ciidamada dowladda.

Kulanka markii uu soo dhammaaday waxaa si wadajir ah saxaafadda ula hadlay wasiirka gaashandhigga Soomaaliya iyo Taliyaha guud ee ciidamada Talyaaniga.

Wasiirka gaashandhigga Cabdixakiin Xaaji Maxamuud Fiqi ayaa ugu horeen sheegay in taliyaha ciidamada Talyaaniga ay ka hadleen siddii uu iskaashi caalami ah u dhexmari lahaa labada dowladood gaar ahaan dhinaca ciidamada.

Wuxuu kaloo sheegay wasiir Fiqi in taliyaha uu u ballan qaaday in ay gacan ka geesan doonaan dib u dhiska iyo qalabeenta ciidamada dowladda Soomaaliya.

Dhinaciisa taliyaha guud ee ciidamada Talyaaniga,Admiral Andrei Masela ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay in uu soo booqdo Muqdisho, wuxuuna sheegay imaashiyihiisa in ay ka dambeesay heshiis dhawaan magaalada Roma ay kula saxiixdeen isaga iyo wasiirka gaashandhigga Soomaaliya.

Taliyaha waxaa ku wehlinaayay safarkiisa saraakiil ciidan, wariyaal iyo danjiraha Soomaaliya u fadhiya magaalada Roma Gen Muuse.

Halkaan Hoose ka daawo Sawirada

DSC08506 DSC08513 DSC08524 DSC08527 DSC08527(1) DSC08529 DSC08530 DSC08534 DSC08545 DSC08550 DSC08560 DSC08567 DSC08575 DSC08581 DSC08588 DSC08598 DSC08606 DSC08619

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com